Mas’uuliyiin Isugujira Xildhibaano Iyo wasiiro Oo Kormeer Indha-indhayn Ah Kumaray Mashariicaha MM DH/buur

Dhagaxbur(Cakaaranews) Khamiis, 3da May 2018. Mas’uuliyiin  ka kooban xildhibaano iyo wasiiro heer deegaan ah oo uu hogaaminayay wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka DDSI mudane Gamal faarax war mooge oo ay  ku wehelinayeen maayarka MMJ mudane Ibraahim Maxamuud mubaarak, wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamud Axmednur (heeeyo) wasiir ku xigeenka xafiiska sayniska iyo technolgiyada DDSI mudane Baashe Cabdi ismaciil, mareeyaha wakaalada marxaladaha muhiimka ah,  iyo gudoomiyaha gobolka jarar ayaa waxay booqdeen Adeeg bixinta dugsiga sare ee M dhagaxbuur xili ay ku sugnaayeen ardaydii waxkabaranaysay, Waxayna mas’uuliyiintu si balaadhan ugu kuur galeen adeeg bixinta dugsiga sare sida ay u socoto.

Hadaba intaasi kadib waxay mas’uuliyiintu booqdeen goobta laga fuliyay barnaamijka biyo, baaad, beer iyo caafimad ee mm dhagaxbuur oo laga dhisayo 130 guri oo loogu talagalay in dajin loogu sameeyo bulsho danyar ah, Guryahan oo u dhisan si casri ah islamarkaana magaalada gees uga baxsan ayaa noqoonaya xaafad gooni ah oo kusoo biiraysa magaalada dh/buur Waxayna guryahani leeyihiin qorshe hage ama master plan ugaar ah iyo sidoo kale goobo loogu talagalay quudinta xoolaha oo Ay dawladu ugadi doonta qoysaska danyarta ah ee dajinta loogu samaynayo,

Ugu danbayna Mas’uuliyiintan isugu jira wasiirada iyo xildhibaanada ayaan aad ula dhacay sida cilmiyaysan ee tayada leh ee loo dhisay xaafadan kusoo biirtay magaalada,dh/buur Mashruuca xaafadan cusub oo ay fulinayaan mm/dhagax buur islamarkaana kamid ah mashaariicda 2010TI oo xiligan dhismaheedu gaba-gabo marayo ayaa markay dhamaato waxay mm dh/buur ku wareejin doonaan dadkii loo dhisay ee danyarta ahaa