Ogaysiis Macalimiinta Deegaanka Ee Qaadanaysa Imtaxaanka Xaqiijinta Tayada Xirfada Baranimo Iyo Hog-Waxb

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 4ta May 2018. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan macalimiinta deegaanka ee isu diwaangalisay inay qaataan imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfada baranimo iyo hogaaminta waxbarashada inuu imtaxaanku bilaabmayo 11ka bisha Ginboot ee 2010 .T.I. islamarkaana macalimiinta imtaxaanka qaadanaysa ay ku kala gali doonaan ama kuqaadan doonaan gobolada kala ah Faafan (Jigjiga) Jarar (Dhagaxbuur), Siti (Shiniile), Qoraxey (Qabridahar) Iyo Gobolka Shabeele Oo Kuqaadan Doona magaalada Godey. iyadoo macalimiinta degmooyinka kala ah Harawo, Awbare, Erer, Xarshin Iyo Feerfeer ee imtaxaanka isu diwaangalisay ay degmadoodaas kuqaadanayaan imtaxaanka.

Hadaba, Gadhwadeenka G/Socodka Shatibixinta Iyo Cusboonaysiinta Xirfada Barayaasha Iyo Hogaaminta Waxbarashada Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Mukhtaar Ibraahim Muxumed oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in xafiisku uu ogaysiinayo dhamaan macalimiinta, maamulayaasha iyo kormeerayaasha deegaanka ee isu diwaanaglisay qaadashada imtaxaanka xaqiijinta tayada xirfada baranimo iyo hogaaminta waxabarashada uu imtaxanku bilaamayo 11ka bisha Ginboot. Wuxuuna intaas kudaray in macalimiintan imtaxaanka lagaqaadayo ay yihiin kuwii isdiwaangaliyay oo kali ah kuwaasoo isugujira heerarka diploma iyo degree kana kooban macalimiin, maamulayaal iyo kormeerayaal

Sidookale, Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmamay in imtaxaankani yahay imtaxaankii lagu qaadanayay Licensega xirfada baranimo ama hogaaminta waxbarashonimo islamarkaana uu yahay mid heer-qaran ah sanad walbana laga qaado dhamaan macalimiinta dalka ee isdiwaangalisa .

Wuxuuna kula dardaarmay imtaxaan qaatayaasha in ay ilaaliyaan wakhtiga imtaxaanka islamarkaana ay iska xaadiriyaan goobta ay imtaxaanka kuqaadanayaan maalin kahor.

Iskusoowada duuboo, Xafiiska waxbarashada DDSI geedisocdkiisa shatibixinta iyo cusboonaysiinta xirfada barayaasha iyo hog-waxbarashada ayaa wuxuu marlabaad ogaysiin hayaa dhamaan macalimiinta imtaxaanka qaadanaya in imtaxaanku bilaami doono 11ka Bishan fooda inagu soo haysa ee Ginboot islamarkaana looga baahanyahay in ay iska xadirayaan goobahaas korka kuxusan.

F.G. Wixii faahfaahin ah ama Talo iyo Tusaale ah waxaad kala xidhiidha teleefan Numberada kala ah +251252780359 / 0973541718 / 0911763562. Waa Xafiska Waxbarashada DDSI