Banaan Baxyo Lagu Taageerayo Horumarka, Nabadgalyada, Nidaamnka Maamulka Suuban Iyo Dibucurashada Ayaa Ka Qabsoomay Guud Ahaanba Gobolada, MM Iyo Degmooyinka Deegaanka

Wardheer(Cakaaranews) Sabti, 5ta May 2018. Deegaanka soomaalida itoobiya oo u mudo 7 sano ka hor ahaa mid aan jirin ilaa iyo nabi aadan islamarkaana ahayd meel halaqyo galeen ah nabadgalayo daradii iyo horumar la’aantii ka jirtay owgeed oo aysan degmo degmo ugudbi jirin gobolna gobol u gudbi jirin kala qoqobnaanta jirtay awgeed looguna dhiman jiray oon iyo haraad biyo la’aan darteed islamarkaana ay magaalooyinkooda waaywayn deegaanka ka muuqatay dibu dhac balaadhan oo lixaad leh  oo muuqaalkooda ahaa mid tuulo ayay dhalinyaro udhalatay deegaanka oo ka dhiidhiday nabadgalyo daradii iyo horumar la’aantii baahsanayd ee ka jirtay guud ahaanba deegaanka ay dhexda uxidheen islamarkaana ay wacad ku mareen siday deegaanka soomaalida itoobiya ay ugaadhsiin lahaayeen nabadgalyo buuxda iyo horumar taaba gala siday deegaanadii kale ee dalku ay xiligaas ku sugnaayeen, Iyagoona dhigtay yoolal iyo himilooyin leh hiigsi fog oo shacbka lagaga saarayo cadawgeena 1aad oo ah saboolnimada.

Hadaba waxaa hubaal ah in dhalinyaradii dhiiranayd ee dhexda u xidhatay in shacabka deegaanka ay kasaaraan mugdigii ay ku jireen ee ahaa nabadgalyo daradii iyo horumar la’aantii baahsanayd ay mudo yar oo kooban ku gaadheen kagana midho dhaliyeen himilooyinkii iyo yoolashii ay dhigteen iyagoo ilaahay talo saaratay waxayna deegaanka gaadhsiiyeen nabadgalyo la isku halayn karo boqlkiiba boqol horumar lixaad leh iyo nidaamka maamulka suuban oo uu udub dhaxaad uyahay dibucurashadu.

Hadaba shacabka deegaanka oo ku faraxsan guud ahaan waxqabadka xukuumadu iyo XDSHSI  ay ka qabateen guud ahaanba meel walba oo deegaanka kamid ah oo ay ugu horeeyaan dhanka horumarka sida waxqabadka biyaha, jidadka iyo buundooyinka,waxbarashada, caafimaadka, beeraha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo hooyooyinka ka qaybgalinta dumarka ee dhanka siyaasada, aas-aasida micro finance ga iyo kor uqaadida kaabayaasha dhaqaale, Haba ugu danbaysee wax ka qabashadii xaladii abaaraha ee gurmadka lixaadka lehi ay xukuumadu ka samaysay goboladii ay ku dhufteen abaarahii ay keentay isbadalka cimilada iyo waliba nabadgalyada macaan ee ay neecawdeeda ku raaxasnayaan shacabka deegaanku gees ka gees oo ay gun dhig utahay nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee ka hanaqaaday deegaanka ayaa waxay ay taageerada ay u hayaan isbadalka horumarineed ee waxqabadka xukuumada DDSI iyo XDSHSI uu gaadhsiiyay iyo nolasha macaan ee ay hantiyeen ku muujiyeen banaanbaxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay uu ugu horeeyeen shacabka gobolka sitti.

Waxaana xusid mudan maareeyaha guud ee mashruuca horumarinta bulshada heer guuraaga ahna xubin gole dhexe ah mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar uu ku booriyay guud ahaanba shacabak deegaanka inay ku daydaan taageerada ay shacabka gobolka sitti ay u hayaan xukuumada iyo XDSHSI.

Sidoo kale shacab waynaha deegaanka guud ahaanba 11ka gobol, 6da ismaamul magaalo iyo 93 degmo ee uu ka kooban yahay deegaanka ayaa dhankooda ku muujiyay banaanbaxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin taageerada ay u hayaan horumarka, nabadgalyada iyo nidaamka maamulka suuban ee ay xukuumada iyo XDSHSI ku gaadhsiiyeen mudada yar gudaheed. Iyadoo ay ugu horeeyaan shacabka gobolka dollo ee magaalada wardheer, waxaan halkaas kula hadlay shacabka madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska hor/ beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inuu banaanbaxan yahay mid lagu taageerayo horumarka, nabadgalayada iyo maamulka suuban ee ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka,. Waxaa iyana dhankooda hadlay odayaasha, dhalinyarta iyo hooyooyinka magaalada wardheer oo sheegay inay mar walba garab taagan yihiin horumarka balaadhan, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada, Sidoo kale waxaa iyana ka hadlay mowjad iyo hirar dad ah oo wacad ku maray inay ilaa shanayaan darbi dhagax ahna u yihiin XDSHSI iyo Xukuumad DDSI islamarkaana gaashaan bir ah u yihiin horumarka, nabadgalayad, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada.

Ugu danbayn waxay banaan baxyadan lagu taageerayo horumarka, nabadgalayada iyo maamulka suuban ka qabsoomeen gobolada Qoraxey, Shabeele, Jarar, Afdheer, Liibaan, Daawa, Nogob iyo Erer iyadoo ay halkaas qudbado dhaxalgal ah kasoo jeedinayeen mas'uulyiin heer deegaan ah iyo mowjad iyo hirar dad ah oo wacad ku maray inay ilaa shanayaan darbi dhagax ahna u yihiin XDSHSI iyo Xukuumad DDSI islamarkaana gaashaan bir ah u yihiin horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada.