Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Horumarka Baaxada wayn, Nabagalyada Iyo Maamulka Suuban Oo Kadhacay Deegaanka

Faafan(cakaaranews)Axad, 6da May 2018. banaanbaxyo aad ubalaadhan oo ay bulshada qaybaheeda kaladuwan isugu soobaxeen islamarkaana ay kutaageerayeen waxqabadka baaxada wayn ee mudada gaaban ee 7sano ah kusoohooyisay xukuumada deegaanka ka arrimisa ee uu majaraha u hayo XDSHSI ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo dib ucurashada  ayaa si heersare ah uga qabsoomay gobolada erer, faafan, Nogob, liiban, afdheer, daawo iyo maamul magaalooyinka Qabribayax Wajaale.

Hadaba, banaanbaxyadan taageeraha ah oo ay bulshada kamuuqatay shucuur wadaniyadeed oo aad u heer saraysa islamarkaana kudhawaaqayay halkudhagyo ay kamid yihiin ‘’doonimayno dilaalinta, ‘’dooni mayno aragti xumayaasha’’, ‘’dib ucurashadu hawaarto ‘’  XDSHSI hawaaro Dhalinta Kacaanka Heego Hawaaro‘’waan ladagaalamaynaa cidkasta oo lid ku ah horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee 7da sano ka hirgalay deegaanka’’ ayaa waxaa bulshada kudhaqan xarunta gobolka Erer ee isugu soobaxday  barxadawayn ee magaalada fiiq kulahadlay wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo ugu horayn bulshada usoojeedisay salaam baaxadwayn islamarkaana ku amaantay wadaniyad jacaylkooda. Waxayna wasiiradu kawarbixisay horumarka balaadhan ee uudeegaanku kutalaabsaday mudada 7da sano ah iyadoo sooqaadatay dhinacyada adeegayada aasaasiga ah ee biyaha waxbarashada iyo caafimaadka. Waxayna tilmaantay in dadaalada loogalay nabadgalyada iyo sida guul looga gaadhay 100% xasilinta nabadgalayada deegaanka. Taasina ay marka kobaad ugu mahadcelinayso  allah, marakalabaadna ay ugu mahadcelinaso xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar. Iyo hay’adaha nabadgalyada ee ay ugu horeeyaan halyay yada liyuu biiliska.

Sidookale, degmooyinka gobolka faafan gaar ahaan koonfurta jigjiga xarunteeda shabeele iyo waqooyiga jigjiga xarunteeda haroorays, degmada mula xarunteeda qooraan iyo waliba degmooyinka iyo mamul magaalooyinka gobolka faafan ee qabribayax MM Wajaale, baabili, gursum, goljano, tuliguuleed xarshin iyo degmada harawo ayaa waxaa kadhacay  isusoobaxyo balaadhan taasoo ay bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmooyinkaasi kutaageeraysay horumarkan baaxadawayn ee deegaanka soomaalida kahirgalay 7sano e udanbaysay. Waxayna bulshadu lulayeen boodhadh sawirka madaxwayanaha ah iyo calaamada XDSHSI waxayna  kudhawaaqayeen halkudhagyo ay kamid yihiin Hawaaro XDSHSI ‘’hanoolaato Xukuumada DDSI’’ ‘’dooni mayno danaystayaasha’’  ‘’dooni mayno magafayaasha’’  ‘’doonimayno nabaddiidka’’ ‘’doonimayno xoolo cid doonka’ hawaaro ururka dhalinta kacaanka ee HEEGO’

Dhankakale, gobolada liibaan, afdheer, Nogob iyo daawa  ayaa iyana soo bandhigay wacdaro balaadhan oo lagu taageerayo xukuumada DDSI iyo XDSHSI sida wayn ee uu uga shaqeeyay mudada 7da sano ah horumarkan baaxada way nee dhinacyada adeegyada biyaha caafimaadka waxbarashada, iyo waliba sida uu salka ugu dhigay nabadgalyadii islamarkaana uu itirtiray nabaddiid dhamaantii. waxayna bulshada qaybaheeda kalduwani kudhawaaqeeyeen waan sii adkaynaynaa horumarkaas iyo nabadgalyaas ay manta haystaan. Iyadoo banaanbaxyadana ay bulshada kula hadleen masuuliiyiin heerdeegaan ah oo ay kamdi yihiin Madaxa arrimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cumar maxamud cabdi iyo waliba Maareeyaha Wakaalada dhisida iyo kobcinta iskaashatooyinka mudane Jamaal cismaan qorane oo bulshada uga mahadceliyay sida ay uqirsan yihiin waxqabadka xukuumada DDSI iyo XDSHSI  oo sheegay in banaanbaxani yahay mid ay bulshadu ashcaartoodu aad ukacsanayd islamarkaana ay kumuujinayeen sida ay hadh iyo habeenba ugu taaganyihiin isbadalkan horumarineed ee baaxada wayn ugana difaacayaan cidwalba oo iskudayda inay been kasheegto ama carqaladaysa. Waxayna masuuliyiintanai bulshada uga warbixyeen waxqabadyada kaladuwan ee dhinacyada maamulka suuban cadaalada iyo sinaanta nidaamka dimuqraadiyadeed ee deegaanka. Waxayna tilmaameen in Xukuumada DDSI ay tahay xukuumad  kusifowday kajaawbida baahida shacabka, kashaqaynta  cadaalada iyo sinaanta dhamaan shacabwaynaha DDSI.

Mida kale, waxaa xusid mudan in dhamaan banaabxyadan ay ka hadleen ururka dhalinta kacaanka ee Heego oo sheegay in ururka dhalinta ee heego uuyahay mid garabtaagan horumarka nabadgalayada iyo maamulka suuban ee ay wakhtiga gaaban deegaanka kugaadhsiisay xukuumada DDSI.

Iskudoowada duuboo, waxaa xusid mudan in banaabaxyadan lagu taageerayo waxqabadka xukuumada DDSI ay markii ugu horaysay kabilaabatay degmada shiniile ee xarunta gobolka siti . kadibana ay kuxigeen gobolada iyo maamul magaalooyinka iyadoo ay xusid mudanatahay in banaanbaxyadani yihiin kuwo bulshadu ay kumuujisay taageeraha horumarka baaxadawayn iyo nabadgalayada  laiskuhalaynkaro 100% ee ay soo hooyisay xukuumada DDSI ee uumajaraha uhayo XDSHSI.