MM Dhagaxbuur Iyo Mashaariico Horumarineed Oo Xadhiga Laga jaray

Dhagaxbuur(cakaaranews)Isniin, 7da, May 2018. Waxaa xarunta gobolka jarar ee magaalada dhagaxabuur xadhiga laga jaray Mashaariico isugu jira 4 wado oo ah kuwo la goglo dhagaxa qoran ee loo yaqaano coble stone islamarkaana si casri ah loodhisay iyo waliba saylad wayn oo iyana si casri ah loodhisay islamarkaana kakooban 3 qaybood  oo kala ah goobihii loogu talaglay iibinta 3da meesi ee xoolaha iyo waliba goobihii loogu talagalay in laga dhoofiyo. Iyadoo mashaariicahana ay xadhiga kajareen wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka oo ay waheliyaan gudoomiyaha gobolka jarar, wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, masuuliyiin kale oo heerdeegaan ah iyo xildhibaano.

Hadaba, xadhig kajarka mashaariicahan ayaa waxaa warbaahinta uga warbixyay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka DDSI Mudane Jamaal Faarax Warmooge Iyo Gudoomiyaha Gobolka Jarar oo sheegay in mashaariicahan ay qayb ka yihiin horumarka balaadhan ee sida xawliga ah deegaanka uga socda. Waxayna intaas kudareen in maanta ay xadhiga kajareen mashaariico ay kamid yihiin 4 wado oo ah kuwa la goglo dhagaxa qoran ee loo yaqaano (Coble Stone) iyo waliba saylad si casri ah loodhisay oo kakoobaan qaybo kalduwan oo loogu talagalay 3da maysi ee xoolaha iyo waliba goobaha laga dhoofiyo xoolaha.

Sidookale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhismaha sayladani ay tahay mid ay bulshada reer dhagaxbuur kacodsatay xukuumada DDSI islamarkaana ay xukuumadu usoo fulisay codsigoodii. Waxayna tilmaameen in mashaariicahan kaladuwani ay yihiin kuwo faaiido badan uyeelan doona bulshada islamarkaana qaybkaqaata horumarka iyo bilicda magaalada dhagaxbuur.

Dhankakale, qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan magaalada dhagaxbuur ayaa si wayn usoodhaweeyay mashaariicahan xadhiga lagajaray ee lag hirgaliyay magalada dhagaxbuur waxayna xuseen in mashaariicahani ay magaalada kusookordhinayaan horumar balaadhan.

Iskudoowada duuboo, mashaariicahan laga hirgaliyay magaaalada dhagaxbuur ayaa waxaa kubaxday aduun lacageed oo dhan 18 milion oo Birr. Kaas oo ay fuliyeen MM Dhagaxbuur.