Gudoomiyaha Guud Ee Jaaliyada DDSI Ee Waqooyiga America Oo Lagusoo Dhaweeyay Xarunta Deegaanka

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 8da May 2018. Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee garaad wiil lagu soo dhaweeyay guudoomiyaha guud ee jaaliyada DDSI ee waqooyiga America mudane Badri yuusuf Ciise oo ku wehelinayeen xubno golaha dhexe oo jaaliyada ah . waxaana garoonka diyaaradaha caalamiga ee garaad wiil waal kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ugu horeeyo maareeyaha guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane MaxamedRabiic Xaaji, wasiir kuxgeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Axmed Shukri, maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka, cuntada marwo faisa Xasan iyo Qaarkamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka.

Hadaba gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee waqooyiga america iyo mas'uuliyiinta jaaliayad ee wehelinayay oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin imaanshaha dhulkooda hooyo oo ay in muda ah ka maqnaayeen iyo soo dhawayntan qiimaha badan ee loosameeyay. dhankoodana waxaa iyana ka hadlay mas'uuliyiintii heer deegaan oo gudoomiyaha iyo mas'uuliyiinta wehelinayaba kusoo dhaweeyay dhulkooda hooyo.

Ugu danbayna mas’uuliyiintan ka socday jaaliyada DDSI ee waqooyiga America iyo mas’uuliyiintan heer deegaan ayaa soo dhawayn kadib usoo kicitimay dhanka xarunta deegaanka ee caasimada jigjiga.