MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Usoo Dheelmaday Dhagaxbuur

Dhagaxbuur(Cakaaranews) Taaldo, 8da May 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ee kujiray socdaalkii gurmadka deg-dega ah ee fatahaadahadii wabiga shabeele oo habeenkii xalay ahaa u hoyday magaalada qabridahar ayaa kadib markii ay  booqdeen mashruuca wayn ee muga leh ee biyo xidheenka maraacato iyo ceel biyood laga qodayo magaalada qabridahar waxay usoo boqooleen dhanka wadada laamiga ah ee dheer ee iskuxidha qabriadahar iyo dhagaxbuur, waxayna madaxwaynaha iyo wafitigiisu kulamo xog iswaydaarsi ah la qaadanayeen shacabka ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan wadada laamiga ah ee dheer,

Ugu danbayna madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa caawa usoo hoyday  magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar.