Xaflad Balaadhan Oo Lagu Taageerayo Horumarka Nabadgalyada Maamulka Suuban Iyo Dibucurashada Ayaa Si Heer Sare Ah Uga Qabsoontay Magaalada Columbus.

Columbus(cakaaranews)Talaado, 8da April 2018. Xaflad  balaadhan  oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo diyaariyeen jaaliyada DDSI ee cariga maraykanka gaar ahaan kuwa ku nool deegaanka columbus-Ohio islamarkaana lagu  taageerayo waxqabadka balaadhan ee xukumada DDSI gaar ahaan nabadgalyada taamka ah, horumarka dhinacyada badan, maamulka suuban iyo dibucurashada ka hanoqaday guud ahaanba  deegaanka soomaalida itoobiya ayaa kaqabsoontay magaalada Columbus.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay jaaliyada reer colombos qaarka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay kamidyihiin madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, iyo maareeye guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane guuleed aw cali kaahin,  hogaaminta iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI ee magalada colombos ee cariga maraykanka.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Madaxa Xarunta Dhexe Ee XDSHSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil islamrkaana khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeeday isagoo ugu horayn u mahad celiyay qurba joogta DDSI ee reer columbus sida meeqaamka sare leh ee ay usoo agaasimeen xafladan quruxda badan islamarkaana ay uga soo qaybgaleen xafladan lagu taageerayo waxqabadka xukuumada DDSI. wuxuuna  si qoto dheer uga warbixiyey isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga taaba galay dalka iyo  deegaanka iyo waliba qorshayaasha  uyaala xukuumada iyo XDSHSI ee lagu sii xoojiniyo horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo walib doorka ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo maalgashiga wuxuna ku amaaneey qurba joogta DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaataan taaba-galinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ee sida balaadhan uga hirglay deegaanka.

Sidookale, xafladan ayaa waxaa isna dhankiisa ka hadlay Maareeyaha Guud Ee Machadka Cilmibaadhista DDSI Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin wuxuuna sharax dheer ka bixiyay jihooyinka horumarineed, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka iyo qorshayaasha  ay  xukuumada DDSI xooga saarayso gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha oo ah qorshaha tiirka u ah qorshayaasha  bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada islamarkaana lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay. Maareeyaha  ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI in ay sii xoojiyaan dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka gaar ahaan dhinaca maalgaashiga islamarkaana la dagaalamaan kana hortagaan fikirada cidhiidhiga ah iyo  dulsaarnimada ee ay soo maleegi karaan shaqsiyaad dano gaar ah leh.

Dhankooda, hogaaminta jaaliyada DDSI, odayaasha, iyo qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee jaaliyada DDSI ee reer colombos oo ka halday xafladan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin islamarkaana soo  dhawaynayaan waxqabadka balaadhan ee horumarka dhinacyada badan nabadgalyada, maamulka suuban iyo dibucurashada iyo sida ay bulshada deegaanku ugu faa’iidaysanayso isbadalada horumarineed ee ay soo hooyisay xukuumada DDSI. waxayna balan qaadeen qurbajoogta reer columbus inay doorkooda kaga aadan ay ka qaadanayaan  geediga horumarineed ee ka hano qaaday DDSI.

Iskusoowada duuboo, xafladan oo lagu falanqeeyay arrimo badan oo kuaadan sii xoojinta horumarka nabadagalyada iyo maamulka suuban iyo waliba kahortaga fikirada dib usocodka ah ee mandhalayska ah. Waxayna xafladu kusoodhamaatay jawi aaad uquruxsan oo farxad balaadhani kudheehantahay.