Banaanbaxyo Blaadhan Oo Lagu Taageerayo Horumarka Deegaanka Ayaa Ka Qabsoomay Qaar Kamid Ah Degmooyinka Deegaanka

Boqol- moonyo(Cakaaranews) Talaado, 8da 2018.  Waxaa guud ahaanba 11ka gobol, 6da maamul magaalo iyo 93 degmo ee uu ka koobanyahay deegaanku ka qabsoomay banaan baxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay shacabku ku taageerayaan  horumarka,nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee uu XDSHSI iyo xukuumadu mudada yar gudohood ku hirgaliyeen.

Hadaba Deegaanka soomaalida itoobiya oo u mudo 7 sano ka hor ahaa mid aan jirin ilaa iyo nabi aadan islamarkaana ahayd meel halaqyo galeen ah nabadgalayo daradii iyo horumar la’aantii ka jirtay owgeed oo aysan degmo degmo ugudbi jirin gobolna gobol u gudbi jirin kala qoqobnaanta jirtay awgeed looguna dhiman jiray oon iyo haraad biyo la’aan darteed islamarkaana ay magaalooyinkooda waaywayn deegaanka ka muuqatay dibu dhac balaadhan oo lixaad leh  oo muuqaalkooda ahaa mid tuulo ayay dhalinyaro udhalatay deegaanka oo ka dhiidhiday nabadgalyo daradii iyo horumar la’aantii baahsanayd ee ka jirtay guud ahaanba deegaanka ay dhexda uxidheen islamarkaana ay wacad ku mareen siday deegaanka soomaalida itoobiya ay ugaadhsiin lahaayeen nabadgalyo buuxda iyo horumar taaba gala siday deegaanadii kale ee dalku ay xiligaas ku sugnaayeen, Iyagoona dhigtay yoolal iyo himilooyin leh hiigsi fog oo shacbka lagaga saarayo cadawgeena 1aad oo ah saboolnimada.

waxaana hubaal ah in dhalinyaradii dhiiranayd ee dhexda u xidhatay in shacabka deegaanka ay kasaaraan mugdigii ay ku jireen ee ahaa nabadgalyo daradii iyo horumar la’aantii baahsanayd ay mudo yar oo kooban ku gaadheen kagana midho dhaliyeen himilooyinkii iyo yoolashii ay dhigteen iyagoo ilaahay talo saaratay waxayna deegaanka gaadhsiiyeen nabadgalyo la isku halayn karo boqlkiiba boqol horumar lixaad leh iyo nidaamka maamulka suuban oo uu udub dhaxaad uyahay dibucurashadu.

Hadaba shacabka deegaanka oo ku faraxsan guud ahaan waxqabadka xukuumadu iyo XDSHSI  ay ka qabateen guud ahaanba meel walba oo deegaanka kamid ah oo ay ugu horeeyaan dhanka horumarka sida waxqabadka biyaha, jidadka iyo buundooyinka,waxbarashada, caafimaadka, beeraha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo hooyooyinka ka qaybgalinta dumarka ee dhanka siyaasada, aas-aasida micro finance ga iyo kor uqaadida kaabayaasha dhaqaale, Haba ugu danbaysee wax ka qabashadii xaladii abaaraha ee gurmadka lixaadka lehi ay xukuumadu ka samaysay goboladii ay ku dhufteen abaarahii ay keentay isbadalka cimilada iyo waliba nabadgalyada macaan ee ay neecawdeeda ku raaxasnayaan shacabka deegaanku gees ka gees oo ay gun dhig utahay nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee ka hanaqaaday deegaanka ayaa waxay ay taageerada ay u hayaan isbadalka horumarineed ee waxqabadka xukuumada DDSI iyo XDSHSI uu gaadhsiiyay iyo nolasha macaan ee ay hantiyeen ku muujiyeen banaanbaxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay uu ugu horeeyeen shacabka gobolka sitti ayaa waxaa iyana si balaadhan ubanaanbaxay gobolada Dollo, Qoraxey, shabeele faafan, erer, afdheer,liibaan, daawa nogob iyo jarar.

Sidoo kale waxaa maanta degmooyinka xamaro, Boqol maanyo, Dhuxun, baarey, gunagado, birqod, yoocaale, dolo-bay, qalaafo iyo raaso ka qabsoomay banaan baxyo balaadhan oo aan loo kala hadhin oo ay shacabku ku taageerayaan  horumarka,nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee uu XDSHSI iyo xukuumadu mudada yar gudohood ku hirgaliyeen. Waxaana halkaas qudbado dhaxagal ah kasoo jeediyay mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ay ugu horeyso wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI marwo Fartun Cabdi Mahdi, maareeyaha horumarinta iskaashatooyinka iyo shirkadaha yaryar mudane Jamaal Cismaan,wasiirka xafiiska dhismaha iyo  horumarinta magaalooyinka ee DDSI mudane Gamaal Faarax Warmooge iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah oo sheegay in horumarka ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka ay xukuumada iyo XDSHSI ay mudo yar gudahood ku hirgaliyeen sida waxqabadka biyaha, jidadka iyo buundooyinka,waxbarashada, caafimaadka, beeraha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo hooyooyinka ka qaybgalinta dumarka ee dhanka siyaasada, aas-aasida micro finance ga iyo kor uqaadida kaabayaasha dhaqaale.

Ugu danbayna waxaa iyana ka hadlay mowjad iyo hirar dad ah oo ay kamid yihiin dhalinta heego oo wacad ku maray inay ilaa shanayaan darbi dhagax ahna u yihiin XDSHSI iyo Xukuumad DDSI islamarkaana gaashaan bir ah u yihiin horumarka, nabadgalayad, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada.