MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ku sugan Qabribayax

Qabribayax(Cakaaranews) Arbaco, 9ka May 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafitigii uu hogaaminayay ayaa kadib markii ay saaka kulan la yeesheen qaybaha kaladuwan ee bulshada islamarkaana soo indha indheeyeen mashaariicaha kaladuwan ee xukuumada ka fulisay ayaa waxay usoo dhaqaaqeen dhanka wadada laamiga ah ee dheer ee iskuxidha qabribayax iyo dhagaxbuur, Iyadoo madaxwaynaha iyo  waftigu intay dhexda soosocdeen ay soo dhawaynayeen kulamana la qaadanayeen shacabka tuulooyinka iyo degmooyinka ku teedsan wadada laamiga ah.

Hadaba madaxwaynaha DDSI iyo waftiga uu hogaaminayay oo kulan balaadhan la qaatay shacabka degmada araarso iyo shacabka ku dhaqan tuulooyinka ku teedsan wadada laamiga ah ayaa soo gaadhay magaalada qabribayax. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku suganyihiin  magaalada qabribayax ee gobolka faafan.