Munasabad lagu daahfurayay Mashruuca Kaalmaynta Guud Ee Qaxootiga Oo Kadhacay Magalada Jijiga

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 9ka, May 2018. Sida ay kucadaysay warbixin ay soosaartay qaramada midoobay hay’adeeda qaxootiga ee UNHCR ayaa tilmaamaysa in dalka  Ethiopia uu yahay wadanka 2aad ee qaaradan Africa ugu badan martigalinta qaxootiga. Iyadoo dalkan itoobiya ay u duwaan gashan tahay inay martigalisay kudhawaad  halmilyan oo isugujira qaxooti ahaan iyo magan galyo ahaanba  islamarkaana ay guud ahaan dalka kuyaalaan 26 xero qaxooti. Sidaasi darted, Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kaqabsoomay munaasabad lagu daah-furayay Mashruuca kaalmaynta guud ee qaxootiga ee looyaqaano ‘’CRRF’’ maadaama oo uu deegaanka soomaalidu ka mid yahay goobaha ladajiyay qaxootiga ugu badan dalkeen itoobiya.

Munaasabadan lagu daahfurayay mashruuca CRRF ayaa waxaa kasooqaybgalay wasiirka xafiika horumarinta khayraadka biyaha, kuxigeenka hayada arrimaha qaxootiga ee dalka itoobiya ee ;;ARA’’, masuuliyiin sarsare oo kakala soctay hay’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR , Bankiga aduunka, deeqbixiyayaasha hayadaha aan dawliga ahayn ee ka hawlagala dalka,  xubno kasocday xeryaha qaxootiga dalka iyo martisharafkale. Iyadoo munaasabada uu kahadlay kuxigeenka hayda arrimaha qaxootiga dalka oo halkaas kasoojeediyay xaalada guud ee qaxootiga dalka gaar ahaan qaxootiga deegaanka dagan iyo waliba  faaiidooyinka mashruucan laga furay deegaanka ee kaalmaynta guud ee qaxootiga ee looyaqaano ‘’CRRF’’

Hadaba, Gabagabadii Kulankan Ayaa Waxaa Warbaahinta Uga Warbixyay daahfurkan Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in maanta deegaanka laga furay mashruuca kaalmaynta guud ee qaxootiga ee loo yaqaano CRRF. Maadaama uu deegaanka soomaalida itoobiya uu kamid yahay deegaanada dalka ee ugu badan meelaha ladajiyay qaxootiga ama martigaliyay. Wuxuuna intaas kudaray wasiirku in deegaanka ay kuyaalaan xeryo qaxooti oo badan oo ay kamid yihiin dolo-cado, boqolmaayo, qabribayax iyo shaydheer. Wuxuuna tilmaamay in mashruucani yahay mid ay gacan kagaysanayaan hay’ada qaxootiga ee UNHCR iyagoo usiimarinaya hay’ada arrimaha qaxootiga dalka ee ARRA. Wuuuna carabka kudhuftay in mashruucan laga furay deegaanka uu yahay mid muhiim ah islamarkaana dadaal kagaysanaya kaalmaynta qaxootiga iyo waliba martigaliyayasha ay ladagan yihiin qaxootigu.

Sidookale, kuxigeenka hayada qaxootiga dalka ee ARRA mudane Zaynu Jamaal aya sheegay in xukuumadu deegaanku ay dadaal nagasiiso dhanka martigalinta iyo dajinta qaxootiga ee deegaanka ladajinayo taasina ay tahay mid ay uga mahacelinayaan kuna amaanayaan xukuumada DDSI ee uu hogaamiyo madaxwayne Cabdi Maxmuud Cumar.

Iskusoowada duuboo, munaasbadan oo lagaga wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah islamarkaana lagu xaqiijiyay hirgalida iyo daahfurida mashruucan cusub ee taakulaynta guud ee qaxootiga (CRRF) ayaa Jawi wanaagsan kusoo dhamaaday.