Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 10ka, May 2018. Xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya iyo XDSHSI oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo af-hayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashiid isaaq ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin udirayaan 3da mas'uul ee kasoo jeeda XDSHSI ee maanta xilalka loo magacaabay waa Marwo Saxarla Cabdulaahi oo loo magacaabay wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka JDFI waana xubin xildhibaan heer federal ah oo leh aqoon heer master ah oo culuumta caafimaadka ha iyo waayo aragnimo dheeraad ah iyo marwo Ifraax Cali Muuse oo loo magacaabay wasiiru dawlaha wasaarada Sceince iyo technologyada JDFI oo ah booskii ay horay uhaysay iyo Farxiya Maxamed Oo loomagacaabay wasiirudawlaha wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaraha JDFI waxayna horey u ahayd wasiiru dawlaha wasaarada xafiiska raisal-wasaaraha JDFI. Waxaana xusid mudan in XDSHSI uu soo dhigay islamarkaana uu ugudbiyay xafiiska xisbiga EPRDF iyo gaar ahaan raisal wasaaraha dalka. mas'uuliyiintan ayaana door muhiim kuyeelan doona nidaamka hogaamineed ee dalka.

Ugudanbayn, xukuumada deegaanka oo uu ugu horeeyo MW CMC ayaa waxay urajaynayaan uguna ducaynayaan mas'uuliyiintan lamagacaabay in xilka ilaahay ku asturo isagoo madaxwaynuhu dhanka kale umahadceliyay xisbiga EPRDF oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalka Dr. Abiyi Ahmed ahmiyada uu siiyay aqbalaada codsigii kayimid XDSHSI in qaabkii ay ahayd loo dhigo

Ugu danbayna mas’uuliyiintan ayaa waxay umahadceliyeen XDSHSI Iyo xukuumada Federalka ah