MMJ Iyo Tartan Aqoomeedkii ‘Kadis’ Ee Ardayda Dugsiyada Oo Lasoo Gabagabeeyay

Jigjiga(cakaaranews)25ka May 2018. Waxaa xarunta deagaanka ee magaalada jigjiga lagu soogabagabeeyay tartan aqoomeedkii ‘Kadis’ islamarkaana ay ku tartamayeen qaarkamaid ah ardayda waxkabarata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga. Iyadoo tartankanina uu socday mudo 30 cisho ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxabaarshada DDSI, Masuuliyiinta MMJ maamulada dugsiyada, waalidiinta iyo wlaiba ardyada waxkabarata  40 dugsi oo isugujira dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Hadaba, Tartankan ayaa  waxaa gabagabdiisii isugu soo hadhay dugsiyada Hoose/dhaxe ee faarax magool iyo dudahido meesha dugsiyada sare ay isugu soohadheen  dugsiga cumar binu-khadaab iyo dugsiga community. Waxaana kaalinta koobaad ee dugsiyada Hose/dhexe kuguulaystay dugsiga faarax magool halka kaalinta 2aad iyo 3aadna ay ku guulaysteen dugsiyada dudohidi iyo xuseengiire. Sidookalana waxaa kaalinta 1aad ku guulaystay dugsiyada gaarka looleeyahay dugsiga  Albushra Halka uu dugsiyada sarena uu kaalinta 1aad kuguulaystay dugsiga bulshada ee jigjiga community school waxaana kaalinta 2aad galay dugsiga cumar binu-khadaab. iyadoo, ardyada dugsiyada ee kuguulaystay tartankan kadis lasiiyay abaal marino kala gadisan.

Sidaasidarteed, Wasiiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo kawrbixiyay tartankan ayaa sheegay intaratankani yahay mid uu soo agaasimay xafiisku islamarkaana ay iska kaashadeen xafiiska waxbarashada MMJ. Wuxuuna intaa kudaray in ujeedada taratankani uu yahay mid kor loogu qaadayo heerka aqoonta ardayda waxkabarata dugsiyada MMJ iyo waliba sidii loo ogaan lahaa heerka aqoonta ardayda ee sanad dugsiyeedkan 2010. wuxuuna xusay in tartankani yahay mid kor uqaadaya aqoonta ardayda maadaama ooy ardayda dhaxdeedu kala helayaan aqoon. islamarkaana tartanku kadhigayo ardayda inay ku dhiiradaan waxbarashada. Wuxuuna tilmaamay in tartan aqoomeedku uu yahay mid muhiim ah islamarkaana uu door muhiim ah kuleeyahay kor uqaadista tayada aqoonta ardayda.

Dhanakale, Madaxa Xafiiska Waxbarashada MMJ Mudane Cabdinaasir Cadhays Maxamuud oo s heegay in taratankani ahaa mid ay soo socday mud bill ah. Wuxuuna xusay in taratankan ay kutartamayeen 40 dugsi oo isugu jira dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka looleeyahay. Wuxuuna tilamaay in tartankani yahay mid lagu ogaanayo heerka ama tayada waxabarshada islamarkaana uu yahay mid sanadwalba laqabto kanina uuyahay kii sanad dugsiyeedkan 2010.

Sidookale, waalidiinta, ardayada iyo maamulka dugsiyada ee kuguulaystay tartankan kadis oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ufaraxsanyihiin islamarkaana uu tartankani ahaa mid lagu taratamayay culuumta dugsiyada lagu barto islamarkaana uu ahaa mid si cadaalad ah usoodhamaaday. Waxayna xuseen in dadaalkooda ay sii labjibaarayaan una mahadcelinayaan xafiiska waxbarashada DDSI.

Iskusoowada duuboo, tartankan kadis oo ahaa mid ay kuloolamayeen ardayada fasalada 8aad iyo 10aad ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo tayada ama heerka aqoomeed ee ardayada dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.