Tababar Kusaabsan Xalinta Khilaafaadyada Deegaanada Dariska Ah Oo Kabilawday Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Axad, 27ka may 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska xuduudaha iyo xalinta khilaaafaadyada deegaanada dariska ah islamarkaana ujeedadiisu tahay xalinta khilaafyada, kahortaga khilaafaadyada iyo waliba barnaamijka dhisida xeeladaha nabada ee deegaanada darsika ah. Iyadoo tababarkana ay  ka soo qaybgaleen xubno laga soo kala xulay 18 degmo oo kuyaala xuduudaha ayaa si habsamileh uga bilawday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Xuduudaha Iyo Xalinta Khilaafaadyada Deeganada Dariska Ah Mudane Maxamed Yaraw Cismaan oo sheegay inmaanta tababarkan ay kaqaybqaadanayaan xubno lagsookala xulay 18 degmo oodeegaanka ah oo kuyaala xuduudaha. Wuxuuna intaas kudaray in tababarkani yahay mid ay kaqaybqgalayaashu kubaranayaan xalinta khilaafyada iyo sida loo maamulo khilaafyada iyo waliba sida looga hortago khilaafyada. Wuxuuna kaqaybgalayaasha kula dardaarmay in mudada uu tababarku socdo ay si fiican uga faa’iidaystaan kadibna markay kulaabtaan degmooyinkoodii ay usii dhaadhiciyaan islamarkaana ay noqdaan kuwa kushaqeeya casharada ay barteen.

Iskudoowada duuboo, Tababarkan oo ah tababarka tababarayaasha ee looyaqano (TOT) ayaa laga filayaa markii uudhamaado in kaqaybgalayaashu ay fahan buuxa u yeeeshaan casharada ay barteen kadibna ay usii dhaadhciyaan degmooyinkii ay kakala yimaadeen. Iyadoo tababarkuna uu socon doono mudo 5 cisho ah.