Imtaxaanka Heer Qaran Ee Fasalka 10aad Oo Si Rasmi Ah Uga Bilawday Guud Ahaan DDSI

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco, 30 May 2018. Waxaa si rasmi ah dhamaan deegaanka soomaalida itoobiya uga bilawday imtaxaanka heerqaran ee fasalka 10aad. Iyadoo, mas’uuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI  oo uu horkacayo wasiirka xafiiska waxbarshada DDSI oo ay waheliyaan wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, agaasinka waaxda imtaxaanadka iyo mas’[uuliyinkale ay kormeer indho indhayn ah ku soo mareen dugsiyada sare ee MMJ kuwaas oo dhamaantood ay si habsami leh uga bilawdeen imtaxaanku islamarkaana ay goobjoog ka ahaayeen maaddadii ugu horaysay imtaxaanka.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in imtaxaanka heer qaran ee fasalka 10aad ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I uu maanta ka bilawday dhamaan dugsiyada sare ee DDSI iyo waliba guud ahaan dalka. Wuxuuna intaas kudaray in imtaxaankan faslka 10aad ay ufadhiisteen arday tiradoodu dhantahay  19,452 arday. Kuwaasoo oo imtaxaanka ku kala qaadanaya 165 dugsi sare oo kukala yaala 11 gobol 6da maamulmagaalo iyo 93 degmo ee deegaanka. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa xusay in imtaxankan ay fulintiisa kaqaybqaadanyaan 527 imtaxaan ilaaliyaal ah iyo waliba 124 kormeerayaal. Wuxuuna tilmaamay in xafiiska oo kaashanaya xukuumada DDSI uu sanadadii ugyu danbaysay dadaalo badan kubixiyay kor uqaadista waxbarashada iyadoo tusaale loo soo qaadan karo sanadkii ugu danbeeyay kaasoo ay imtaaxnka heerqaran ay kubaaseen 71% islamarkaana ay imtaxaanka kubaaseen arday tiradoodu kor udhaafayso 7000 oo arday taasi kadhigtay deegaanka marka labarbardhigo degaanada kale deegaanadii ugu fiicnaa dhanka natiijada ardayada.

Sikastaba ha ahaatee, dawlaada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa dadaalo badan kamuujisay kor uqaadista tayada iyo tirada waxabarashada deegaanka taasoo siwayan uga dhax muuqatay guuda ahaan dalkeenan itoobiya

Iskusoowada duuboo, imtaxaankan fasalka 10aad oo socondoona 3 cisho oo danbe ayaa waxaa sidookale isna kuxigi doona imtaxaanka heerqaran ee faslaka 12aad.