Wakaalada Shaqo Abuurka Iyo Damaanad Qaadka Cuntada MMJ Oo Tababar Uqabtay 65 Xubnood

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 7da July 2018. Wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada MMJ  ayaa tababarka tababarayaasha uqabtay 65 xubnood kuwaasoo laga soo kala xulay xaafadaha magaalada jigjiga iyo waliba xafiisyada bahwadaagta la ah wakaalada. Iyadoo Tababarkanina uu kusaabsanaa wacyigalinta kafaa’iidaystayaasha mashruuca damaanaadqaadka cuntada si ay ugu gudbaan habnololeed waara islamarkaana ay u baran lahayeen xirfado ay kushaqaystaan

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa warbaahinta uga waramaya Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqalaha MMJ Mudane Khaalid Cabdiraxmaan Iyo Madaxa Xafiiska Maayorka MMJ Mudane Cabdicasiis Mahad oo sheegay in mashruucan ujeedadiisu tahay sidii dadka danyarta ah noloshooda kor loogu soo qaadi lahaa iyo waliba in dadka aan shaqaysan karin ay helaan quudin ama nolol maalmeedkooda. Waxayna xuseen  in dadkaas iyaga ah lasiinayo tababaro lagu barayo xirfado ay kushaqaystaan si noloshoodu unoqoto mid waarta oo taabo gal ah.

Sidookale, mas’uuliyiinta  ayaa sheegay in dadkan tababarka qaadanaya larabo inay iyaguna tababaro sii siinayaan dhamaan bulshada kafaaiidaysanaysa mashruuca damanaad qaadka cuntada ee MMJ. Waxayna tilmaameen in tababarkan kaqaybgalayaashu kubaranayaan nidaamka ama hanaanka maaraynta hantida iyo hanaanka loo soo xusho dadka kafaaiidaysanaya mashruuca damaanadqaadka cuntada.

Iskusoowada duuboo, Mashruucan damanaadqaadka cuntada oo uu maalgaliyo bangiga aduunka ayaa wuxuu kahawlgala dalkeena 11 magaalo oo ay kamid tahay magaalada jigjiga. waxaana ka magaalo jigjiga ahaan kafaaiidaysta dad tiradoodu kabadantahay 10 kun oo qof oo isugujira kuwa la siiyo taageero toos ah iyo kuwa kashaqeeya bilicda iyo nadaafada magaalada jigjiga. Iyadoo tababarkanina uu soco doono mudo 5 cisho ah.