Kulankii qiimaynta warbixinta waxqabadka 12kii bilood Ee Degmooyinka Gobolka Qoraxey Oo Si Rasmi Ah Ufurmay

Qabridahar(Cakaaranews) Khamiis,12ka July 2018. Kulankii qiimaynta warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadmiisaaniyedki 2010TI ee degmooyinka gobolka qoraxey ayaa si rasmi ah ugu furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaanba degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka qoraxey ayaa waxaa ugu horeyn furitaankii ka hadlay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Cabdicasiis Axmed Habiye  oo hogaaminyay kulankan. Wuxuuna gudoomiyuhu ugu horeyn sheegay inuu ujeedada kulankan yahay qiimaynta warbixinta waxqabadka mashaariicii la fuliyay  sanad miisaaniyeedkii 2010TI iyo qaabka loo fuliyay inuu yahay sidii loogu talagalay in loo fuliyo, wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray in kulankan lagusoo bandhigi doono qaab shaqeedka degmooyinka gobolka qoraxey iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka hanaqaadey guud ahaanba deegaanka.

waxaa iyana dhankooda bilaabay inay soo jeediyaan warbixintii waxqabadkii 12kii bilood ee lasoo dhaafey  mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka qoraxey waxaana lagu bilaabay inay soo jeediyaan degmada shilaabo ee gobolka qoraaxey, iyadoo oo ay shir gudoonka iyo mas’uuliyiinta degmooyinkaba  usoo dhigayeen degmooyinka soo jeediyay warbixinta inay iska saxaan hadii uu jiro wax loo baahanyahay in la saxo, waxaana soo jeedin iyo falanqayn kadib halkaas lagu ansixanayay warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee sanadmiisaaniyeedka 2010ka ee degmooyinkii soojeediyay maanta.

Ugu danbayn kulankan qiimaynta warbixinta waxqabadka 12kii bilood ee lasoo dhaafay ee sanadmiisaaniyedki 2010TI ee degmooyinka gobolka qoraxey oo  si rasmi ah ugu furmay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey ayaa halkaas kasii socon doona.