Jigjiga (CakaaraNews) Waxaa saaka subaxnimadii madasha Shirarka ee Sayid Maxamed cabdule Xasan ka bilowday Kalfadhigii 11aad ee Gollaha Xildhibaanada Degaanka Soomaalida.
Kalfadhigan oo ahaa kalfadhigii ugu danbeeyay ee Xildhibaanada haatan uu Termgu ka dhamaanayo ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano dhan 106 xildhibaan.
Kalfadhigan oo uu furay Af Hayeenka Gollaha Xildhibaanada degaanka Soomaalida oo ka tashanayay ajandayaal 7 xubnood ka kooban. Kulankan ayaa waxaa lagu lafa guray ansixinta miisaaniyada sannad miisaaniyeedka 2003.
Waxaa kaloo kalfadhigan lagu ansixiyay xil ka badalista Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali, iyadoo Golluhu uu isla halkaa ku ansixiyay magacaabista madaxwaynaha cusub Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Waxaa mucjiso aad u farax badan noqotay markii ay soo wada galeen Madasha Shirarka madaxwaynaha cusub Mudane Cabdi Maxamuud Cumar & madaxwaynaha uu xilka kala wareegayo ee Mudane Daa''uud Maxamed Cali iyagoo gacmaha is haysta.
Waxaa madasha kalfadhiga galinkii hore ee maanta Siyaasada dhaqan-dhaqaale ee uu ku soconayo soo jeediyay madaxwaynaha cusub Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa uu Madaxwaynuhu ka hadlay siyaasadaha uu ku hogaamin doono xukuumada Degaanka ay noqonayso mid sii adkaysa dedaalkii horumarka & maamulka suuban ee soo socday.

Waxaa uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay inuu diirada saarayo abuurista Micro Policy mechanism lagu kobcinayo dadka saboolka iyadoo la siinayo amaah ama qaan aan dulsaar adag lahayn. Waxaa kaloo uu sheegay inuu ku dhaqmayo hanaan xaga hore soo marinaya cuqaasha & culimo u diinka kana shaqaynayo sidii maadaama Degaanka Soomaalidu uu bataatan ku nool yihiin dad Islaam ah in Masaajidka ugu wayn Geeska Afrika laga dhiso Degaankan.

Waxaa uu Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu sheegay in siyaasada cusub ee Xukuumadiisa ay xooga saari doonto soo jiidashada qurbo joogta, kasbashada maalgaliyaasha ajnabiga iyo abuuritaanka illo shaqo iyo maal.
Waxaa uu Madaxwaynaha cusubi sheegay in loo baahan yahay in gacmaha la is qabsado oo si wadajir ah loola wada halgamo cidhib tirka saboolnimada, jahliga & macaluusha. Waxaa uu tilmaamay inuu abuurayo siyaasad soo dhawaysa oo wax ka qabata arrimaha haweenka maadaama kala badh bulshada Degaanku ay dumar yihiin, waxaa uu carabaabay inuu ilaalinayo xuquuqdooda baahidoodana wax ka qabanayo.

Kulan oo markii Galinka danbe la isku soo noqday ayaa waxaa hadal kooban ka soo jeediyay madaxwaynihii hore ee Degaanka Mudane Daa'uud Maxamed Cali oo sheegay inuu taageersan yahay go'aanka xil ka qaadista isla markaana uu diyaar u yahay inuu wixii hiil & hoo ahba uu uala garab taagnaado xukuumada cusub. Waxaa uu Mudane Daa'uud sheegay "waxaan diyaar u ahay inaan shaqo kasta iyo goob kasta oo xukuumadu ii dirto aan ka shaqeeyo".


Dhinaca kale, waxaa kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen in ka badan 106 xildhibaan, masuuliyiinta xukuumada Degaanka Soomaalida, marti sharaf ay ka mid yihiin Hogaaminta sare ee Ururka UWSLF, wafdiga nabadoonka ee ka socday ururka ONLF ee wada hadalada nabada ay u socoto.


Waxaan dib idiinku soo gudbin doonaa muuqaalka videoga kalfadhigan muddo yar ka bacdi.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|

Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


