CakaaraNews

The Only Web Site on Somali State Soil

Wednesday
Sep 08th
Kadinka Wararka Degaanka Qurba Joogta Degaanka u Dhalatay ee Ku Sugan Jigjiga oo Xaflad loo Qabtay

Qurba Joogta Degaanka u Dhalatay ee Ku Sugan Jigjiga oo Xaflad loo Qabtay

altJigjiga (CakaaraNews) Waxaa caawa Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan lagu qabtay xaflad lagu soo dhawaynayo xubnaha qurbo-joogta ee ku sugan Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga.alt

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe & Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin waxaa ka soo qayb galay qurbo joog fara badan oo ka kala yimid dalalka dibada ha ugu horeeyaane xubnaha ka socday dalka maraykanka ee ahaa aasaasayaasha Jigjiga TV ee fadhigiisu yahay Minnesotta.

altMunaasabadan waxaa kaloo ka qayb galay Ku Sii Simaha Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida ahna Hogaanka maamulka Cadaalada & nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, iyo masuulyiinta kaloo ka tirsan Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin Madaxa Xafiiska warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe, Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyaadka Mudane Guuleed Aw Cali, Madaxa Xafiiska Cadaalada Mudane Ibraahin Axmed Cabdi, Madaxa Xafiiska Dhalinyarada & Ciyaaraha Mudane Farxaan Xuseen, Madaxa Xafiiska DPPB Mudane Guuleed Axmed Cali, Komishinerka Booliska DDS Mudane Yuusuf Maxamuud (Jalaale), Komishiner ku Xigeenka Asluubta Suldaan Cabdi Bade, Duqa Magaalada jigjiga Mudane Cabdisalaan Axmed Ibraahin.

Waxaa kale oo xafladan ka qayb galay madaxa Kuliyada Cilmiga Caafimaadka ee Jigjiga Mudane Ismaaciil Saleebaan, Madaxa Machadka Maaraynta altMudane Cabduqaadir, Ku Xigeenka Hogaanka Nabadgalyada altMudane Cabdulaahi Yuusuf, Ku Xigeenka Xafiiska waxbarashada Mudane Cabdulaahi Maxamed Mowliid (Gizile), Madaxa Enterpriseka Dhismaha Biyaha Mudane Cabdirisaaq Aw Xasan, Gudoomiyaha Federeeshinka Dhalinyarada DDS Mudane Cabdulaahi Xuseen iyo masuuliyiin kale oo fara badan. Waxaa kale oo munaasabadan lagu marti qaaday saraakiisha sarsare ee Ciidamada Booliska iyo kuwa Asluubta ee Dawlad Degaanka Soomaalida.

Waxaa xaflada heeso, ciyaaro dhaqanka hidaha ee bulshada Soomaalida u soo bandhigay kooxo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kooxda Wadani Stars, Kooxda Ilays Band, Kooxda Anshax Band, Kooxda Qureysh Fiiq band, Kooxda Shabeele oo haatan ku cusub saaxada ciyaaraha hidaha & dhaqanka ee Degaanka Soomaalida.

altKooxuhu waxay marti sharafta lagu casuumay xaflada ay u soo bandhigeen suugaan aad loola dhacay. altKooxda Wadani Stars ayaa ku bilaabay heeso & ciyaaro dhaanto, saylici, wilwilo & wegle isugu jira. Waxaa ku xigay Kooxda Ilays Band oo daboolka ka qaaday heesihii lagu yiqiinay ee aadka loo jeclaa oo ay ka mid tahay heesta "Dalku Wuu Xoroobaye, dadka kaan ogayn baan ha dalxiise leenahay".

Waxaa hadana saaxada la wareegay Kooxda Anshax Band ee Xafiiska Asluubta dawlad Degaanka Soomaalida oo soo bandhigay heeso cusub oo loo sameeyay booqashada qurbo joogta. Waxaa kale oo Anshax Band ay soo bandhigtay ciyaaro hiddo & dhaqan ah oo Dhaanto casriyaysan oo aad loola dhacay.

altIntaa ka bacdi waxaa saalada la wareegay kooxda Qureysh Band oo marti sharafta ku maaweeliyaalty heeso iyagoo ku soo bandhigay codad macaan oo shucuurta qofka kicinaya, waxayna heesaha ku qaadeen laba nooc oo mar music leh iyo mar vocal oo qudha ah. Waxay fanaaniinta Qureysh Band ay heesahooda ku cabireen dhibaatada ay nabad-diidku ku hayaan shacabka maxasta ah ee Degaanka Soomaalida.

Qiirada heesaha Qureysh Fiiq Band ayaa sababay in masuuliyiinta heer Degaan ee xaflada joogtay ay dhamaantood u sara kacaan oo saalada la fuulaan fanaaniinta dhalainyarada ah ee sida wadaniyada leh u heesaya, isla markaana gudbinaya heeso & weedho kicinaya shucuurta qofka ay dhagahiisa ku dhacaan.

altKadib kolkii Qureysh Fiiq Band ay bandhigeedii gabagabaysay waxaa garoonkii la wareegay Kooxda altCiyaaraha Dhaqanka ee Shabeele oo ugu horaynba ku soo galay luuqdii lagu yaqaanay beer falatada Reer Qalaafo, iyagoo codka jabaqda & jaanta ay weheliyaan codad ka soo baxaya siidhiyo (firinbi) ay hablaha Reer Shabeele kaga dhawaajinayeen. Fanaaniinta Kooxda Shabeele waxay muujiyeen ciyaaro isku dhafan oo isugu jira Niikis, Kabeebey, Gable Shinbir & Walanto.

Kadib bandhig faneedka waxaa makaroofanka lagu soo dhaweeyay Ku Sii Simaha Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida ahna Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo halkaa ka jeediyay khudbad uu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay xafladani u leedahay Dawlada Degaanka.

altaltWuxuu Mudane cabdi Maxamuud Cumar isagoo ku hadlaya Magaca Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali uu u mahad celiyay bahda Jigjiga TV ee martida ku ahaa xaflada, isagoo uga mahad celiyay sida ay isugu xilqaameen inay wacyi galiyaan bulshadooda.

Waxaa uu Mudane Cabdi sheegay in Dawlada Degaanku ay haatan tixgalin & maamuus ay u hayso bulshada qurbo joog ah. Wuxuu carabaabay sida Xukuumadii hore ee Degaanka ka soo talinayay iyo waliba xukuumada haatan ay berigii hore ayna u ogeen dedaalka dadka Qurbo jooga ah ay ka wadaan haday tahay dhinaca wacyio galinta, dhinaca maalgalinta & dhinaca ilaalinta amniga.

altWuxuu mudane Cabdi tilmaamay in safarkoodii ay ku tageen Yurub ay kula kulmeen amakaag markay arkeen dad qurbo joog ah oo kaga horeeya ilaalinta amniga & kamidha dhalinta dedaalka horumarka ee ka socda degaanka Soomaalida.

"Waxaan la kulmay dad na gacan qaaday oo noo sheegay inay ku faraxsan yihiin mar hadaanu ku soo biirnay halganka ay nabad-diidka kula jireen", ayuu yidhi Mudane Cabdi M Cumar.

Waxaa uu intaa raaciyay "Isma aanan lahayn waxaa jira dad iyagoo Yurub ama Waqooyiga Ameerika jooga la dagaalamaya ubo & nabad-diidka soo raaca, balse waan aragnay".

altaltWuxuu Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu hadalkiisa ku adkeeyay in caawa uu jeclaan lahaa in qurbo jooga ku sugan xaflada, khaasatan bahda Jigjiga TV ay ka gaadhsiiyaan bulshada Qurbo jooga fariin qaali ah uu u dirayo dhamaan qurbo jooga u dhalatay Degaanka Soomaalida.

Wuxuu Mudane Cabdi yidhi "Waxaan halkan idiinka balan qaadayaa in ayna jirin qof qurbo joog ah oo haduu yimaado Degaanka Soomaalida lagu xidhayo. Waxaan rabaa inaad ogaataan budhcada nabad-diidka waxay dadka ka dhaadhicisaa hadii aad degaanka tagto waa lagu xidhi. Waxaan leeyahay ma jirto taasi".

altaltIsagoo sharaxaya tabaha ay nabad-diidku u adeegsadaan khiyaamada wuxuu sheegay in uu la kulmay dad badan oo qurbo joogta ka mid ah oo u sheegay inay ka walaaceen markii ay ka qayb galeen shirar la iskaga yeedhay oo nabad-diidka ku qabteen dalalka dibada, dabadeedna sawiradoodii ay nabad-diidku soo dhigaan internetka ama ay u soo diraan Dawlada Degaanka Soomaalida, iyagoo dadka sawirada ku jira ku cabsi galinaya "Waxaa la hayaa sawirkii aad shirka ku jirtay oo hadaad tagto waa lagu xidhi".

Wuxuu Mudane Cabdi carabaabay "Qofka ka qayb gala shir, kama duwana qof ka qayb galay kulanka Gollaha Baarlamaanka ee Itoobiya. Sidaad og tihiin baarlamaanka Itoobiya waxaa kuraas ku leh mucaaridka Qinijid, oo maalin walba Ra'iisul Wasaaraha ay wada doodaan" ayuu yidhi Mudane Cabdi.

"Waxaan u sheegayaa dhamaan qurbo joogta anagu marnaba lagama yaabo inaan qof xaqa dimuqraadiga ee uu leeyahay si xaq darro ah uga xayuubino. Anagu qofka aan dagaalka kula jirno waa qofka qoriga wata ee shacabka laynaya, waxaana ka codsanayaa bulshada qurbo joogta inay aaminaan inaan qof walba xor u yahay fikirkiisa oo aan ixtiraamayno.

Khudbada Hogaanka oo aad u dheerayd waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay awooda ciidan ee haatan Degaanku yeeshay, dhaadhicinta maamulka ee ilaa heer tuulo, hirgalinta idaacada la iska arko iyo bilaabista Jigjiga FM 99.1.

Markii uu khudbadiisa dhameeyay waxaa xubnihii qurbo joogta ahayd u guda galeen inay kormeer daawasho ah ku sameeyaan bandhig uu soo diyaariyay Machadka Cilmi Baadhista Xoolo-Dhaqatada & Raacatada Dhulkana Qota ee Degaanka Soomaalida (SoRPARI).

Waxaa bandhigaas ay qurbo joogu ku arkeen khayraadka dihan ee Degaankeenu leeyahay.

Ugu danbaystii waxaa hadalka la wareegay Wafdigii ka socday Jigjiga TV. Mudane Badri Yuusuf ayaa sheegay sida ay ugu niyadsan yihiin dedaalka horumarka & maamulka suuban ee haatan ka hana qaaday Degaanka Soomaalida.

Waxaa uu Mudane badri Yuusuf Ciise uu tibaaxay in bahda Jigjiga TV ay si sharaf leh u go'aansadeen inay shahaado sharaf ku abaal mariyaan saddex xubnood oo ay u arkeen inay himiladoodu tahay sidii horumar loo gaadhsiin lahaa Degaanka Soomaalida.

Waxaa wafdigii Jigjiga TV ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Madaxwaynaha Degaanka Mudane Daa'uud Maxamed Cali & Hogaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar & Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Shacabka Soomaalida oo uu wakiil u ahaa Duqa Magaalada Jigjiga Mudane Cabdisalaan Axmed Ibraahin.

Dhanka kale, Ku Sii Simaha Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isaguna shahaado sharaf gudoonsiiyay wafdigii ka socday Jigjiga TV, iyo communityga Degaanka Soomaalida ee Minnesotta & West Coast.

CakaaraNews

 

Daawo Sawirada Degaanka Quruxdiisa

English News

Diaspora Vows to Support Somali State Peace & Development

Diaspora Vows to Support Somali State Peace & Development

Series of meetings between Somali State government delegation led by Abdifitah Sheik Abdullahi, Chai...

Read more...

For immediate release: Minneapolis Conference Communiqué

For immediate release: Minneapolis Conference Communiqué Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le... Read more...

Ethiopia: Somali rebel factions declare a shift to work for peace, dev’t

Ethiopia: Somali rebel factions declare a shift to work for peace, dev’t Addis Ababa (CakaaraNews) The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L... Read more...

Somali State Diaspora Association Elects New Management Staff

Somali State Diaspora Association Elects New Management Staff Addis Ababa (CakaaraNews) – The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi... Read more...

Residents of Jijiga, Kebribeyah towns casting votes Sunday, 23 May 2010

Residents of Jijiga, Kebribeyah towns casting votes     Sunday, 23 May 2010 Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote... Read more...

ElBaradei free to seek Egyptian presidency: Mubarak

ElBaradei free to seek Egyptian presidency: Mubarak March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo... Read more...

Somali pirates free Indonesian ship for $7.5mn

Somali pirates free Indonesian ship for $7.5mn

Somali pirates freed a Singaporean-flagged chemical tanker, having 24 crew members including Indians...

Read more...

$3M bail each in Seward killings

$3M bail each in Seward killings Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ... Read more...

Fikirkaaga Ka Bixi ONLF

ONLF Waxay u taagan tahay?
 

Login

  • Login
  • Create an account
    Registration
    *
    *
    *
    *
    *
    Fields marked with an asterisk (*) are required.