Jigjiga (CakaaraNews) Wafdigii qurbo joogta ahayd ee dhawaanahan ku sugnaa caasimada Jigjiga ayaa shalay ka qayb galay shir ay la hayeen Ururka Fadareeshinka Haweenka ee Degaanka Soomaalida oo lagu qabtay Hoolka Sayid Maxamed Cabdule Xasan.
Shirkan oo ay isku yimaadeen haween dhan ilaa 500, ayaa waxaa wahelinayey xubno ka tirsan masuuliyiinta Degaanka oo ay ka mid ahaayeen Komishinka Booliska DDS Mudane Yuusuf Maxamed, Hoggaan ku Xigeenka Nabadgalyada iyo Maamulka Cadaalada Mudane Cabdilaahi Yuusuf Weerar, Madax Xidhiidhka Dadweynaha iyo Jaaliyadaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin, Wakiilka Xafiiska Caafimaadka Mudane Dr. Muuse Sooyan iyo Gudoomiyaha Fadareeshinka Dhalinyarada Degaanka Mudane Cabdilaahi Xuseen.
Shirkan ayaa waxaa soo qabaan qabiyey Ururka Fedareeshinka Haweenka ee Degaanka iyagoo ku xoojinayey ururada kala duwan ee haweenka islamarkana waxay ujeededisa labaad ay ahayd wacyi-galin iyo ka qayb-galinta haweenka ee hawlaha XDSHS, Nabadgalyada iyo Horumarka.
Shirkan ayaa waxaa ka hadlay Mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo ku baraarujiyey Fadareeshiinka Haweenka hawlaha siyaasadeed, doorashooyinka dalkeena ka dhici doona sidi ay u noqon lahayd mid u dhacda si nabadgalyo iyo Dimuqraadiyadeed, islamarkana in ay Fadareeshiinku garab istagaan Xisbiga dadaalka uu ugu jiro fulinta mashaariicda horumarineed, iyo Nabadgaliyo.

Sidoo kale waxaa ka soo jeediyey arrimo la xidhiidha caafimaadka iyo saameynta cudurada kala duwan Wakiilka Xafiiska Caafimaadka Mudane Dr. Muuse Sooyan, Arrimaha Nabadgalyadana wax si balaadhan uga hadlay Komishiinka Booliska Mudane Yuusuf Maxamed,
Ugu danbeeyna waxa soo xidhay shirkas Hoggaan ku xigeenka Nabadgalyada iyo Maamulka Cadaalada Mudane Cabdilaahi Yuusuf.
Fadareeshiinka haweenka ee deegaanka aya waxa uu leeyahay 11 xubnood oo Gudiga Fulinta ah
1- Ubax Cumar Buux Gudoomiyaha Fadareeshiinka Haweenka DDS
2- Xaliimo Ibraahim Ku-Xigeenka F Haweenka DDS Isla markaana ah ku-xigeenka Fadareeshinka Haweenka ee Fadaraalka Itoobiya
3- Xamdi Axmed Cabdi Xog-haynta Fadareeshiinka Haweenka Degaanka
Dhinaca kale, waxaa wafdiga qurbo jooga ahayd ee ka socday Jigjiga TV ay maalintii shalay ahayd la kulmeen Duqa Magaalada Jigjiga Mudane Cabdisalaan Ibraahin Maxamed
. Sidoo kale, waxay wafdigu shalay ka qayb galeen munaasabad qado sharaf ah oo uu u fidiyay Madaxa Xafiiska Maaliyada & Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cumar Xaaji Ibraahin.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|

Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


