CakaaraNews

The Only Web Site on Somali State Soil

Wednesday
Sep 08th
Kadinka Wararka Degaanka XDSHS (SPDP) Oo Gabagabeeyay Dhamaan Musharixiintii Ellection 2010 Ka qayb Galaya

XDSHS (SPDP) Oo Gabagabeeyay Dhamaan Musharixiintii Ellection 2010 Ka qayb Galaya

Jigjiga (CakaaraNews) Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida (XDSHS) oo afka Qalaad loogu yeedho Somali Peoples Democratic Party (SPDP) ee hogaamiya ama majaraha u haya talada Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday inuu gabagabeeyay xulashada dhamaan musharixiinta ugu tartami lahayd doorashooyinka qaranka ee bisha Meey ee soo socota ka dhacaya dalka Itoobiya.

Doorashada qaranka ee Bishan Meey ee soo socota ka dhici doonta gabi ahaanba dalka Itoobiya & maamulada Degaanada ayaa waxaa XDSHS ama SPDP uu sharaxay 184 musharax oo heer Degaan ah & 24 musharax oo heer Federaal ah. Ilaa & iminka ma jiro Xisbi kale oo shaaca ka qaaday inuu dhamaystirtay dhamaan musharixiintii uga tartami lahayd Degaanka Soomaalida.

Xisbiga XDSHS ama SPDP ayaa isbadal aad u balaadhan ku sameeyay hanaankiisa maamul & xidhiidhka bulshada, taasoo haatan u saamaxday inuu XDSHS ama SPDP uu noqdo unug siyaasadeed oo leh cudud fikir & kaadir aad u dhisan. Wuxuu XDSHS ama SPDP uu haatan xafiisyo ku leeyahay dhamaan gobolada & degmooyinka uu Degaanka Soomaalidu ka kooban yahay.

Sida aanu wada ogsoon nahay waxaa berrigii hore musharixiinta u tartamaysa Xisbiga laga xulan jiray heer Degaan, isla markaana ay dhibaato ka iman jirtay xulashada xubnaha, balse waxaa hogaaminta sare ee xisbigu ay haatan badaleen hanaankii xulashada iyagoo ka dhigay xulashada mid ku salaysan salka hoose ee shacab.

Tusaale ahaan halkii berrigii hore Jigjiga laga xulan jiray xubnaha musharixiinta, waxaa haatan XDSHS ama SPDP uu sameeyay in xulashada laga soo bilaabo heer degmo & gobol oo loo soo gudbiyo heer degaan.

Kolka heer Degaan loo soo gudbiyo waxaa xubinka musharaxa lagu qiimayn aqoonta, kartida, shaqada, xil kasnimada & wax-qabashada, taas oo xubinkii ku gudba loo qaadanayo in lagu sharaxo ticketka XDSHS ama SPDP.

Dhinaca kale, waxaa shaqadoodii bilaabay guddi farsamo oo laga dhisay Degaanka Soomaalida si ay u fudaydiyaan hirgalinta doorashada 2010 ee bishan Meey dhici doonta. Guddigaas oo ka kooban 6 Xubnood waxaa Gudoomiye u ah Af Hayeenka Gollaha Xildhibaanada Mudane Maxamed Rashiid.

Waxaa kaloo Guddiga xubno ka ah Madaxa Xafiiska Dhalinyarada Mudane Farxaan Xuseen, Komishiner Ku Xigeenka Asluubta Mudane Cabdi Bade Cyusmaan, Madaxa xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka & Warshadaha Mudane Axmed Naaji, Ku Xigeenka Xafiiska DPPB Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Madaxa Ciidanka Ilaalinta Wadooyinka Mudane Suldaan Xasan Cabdulaahi Xuseen. Waxaa ilaa haatan ay gudddigu isku duba rideen gawaadhi gaadhaysa 50 gaadhi oo loo adeegsan doono diyaarinta hawlaha doorashooyinka ee 9ka gobo.l

CakaaraNews

 

Daawo Sawirada Degaanka Quruxdiisa

English News

Diaspora Vows to Support Somali State Peace & Development

Diaspora Vows to Support Somali State Peace & Development

Series of meetings between Somali State government delegation led by Abdifitah Sheik Abdullahi, Chai...

Read more...

For immediate release: Minneapolis Conference Communiqué

For immediate release: Minneapolis Conference Communiqué Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le... Read more...

Ethiopia: Somali rebel factions declare a shift to work for peace, dev’t

Ethiopia: Somali rebel factions declare a shift to work for peace, dev’t Addis Ababa (CakaaraNews) The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L... Read more...

Somali State Diaspora Association Elects New Management Staff

Somali State Diaspora Association Elects New Management Staff Addis Ababa (CakaaraNews) – The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi... Read more...

Residents of Jijiga, Kebribeyah towns casting votes Sunday, 23 May 2010

Residents of Jijiga, Kebribeyah towns casting votes     Sunday, 23 May 2010 Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote... Read more...

ElBaradei free to seek Egyptian presidency: Mubarak

ElBaradei free to seek Egyptian presidency: Mubarak March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo... Read more...

Somali pirates free Indonesian ship for $7.5mn

Somali pirates free Indonesian ship for $7.5mn

Somali pirates freed a Singaporean-flagged chemical tanker, having 24 crew members including Indians...

Read more...

$3M bail each in Seward killings

$3M bail each in Seward killings Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ... Read more...

Fikirkaaga Ka Bixi ONLF

ONLF Waxay u taagan tahay?
 

Login

  • Login
  • Create an account
    Registration
    *
    *
    *
    *
    *
    Fields marked with an asterisk (*) are required.