CakaaraNews

The Only Web Site on Somali State Soil

Friday
Sep 10th
Kadinka Wararka Gobolada Warbixintii Socdaalka Dhulka ee Wafdigii Jigjiga TV oo Ku Sii Jeeda Gobolka Qoraxeey: Qaybtii 1aad

Warbixintii Socdaalka Dhulka ee Wafdigii Jigjiga TV oo Ku Sii Jeeda Gobolka Qoraxeey: Qaybtii 1aad

Birqod (CakaaraNews) Wafdigii ka socday bahda Jigjiga TV ee ka tirsan qurbo jooga u dhalatay Degaanka Soomaalida ee ku nool Cariga Maraykanka gaar ahaan Gobolka Minnesoata ayaa haatan dhamaystiray booqashadii ay ku marayeen Gobolka Dhagax-Buur ugana sii talaabay Gobolka Qoraxeey.

Hadaba wariyaha Shabakada CakaaraNews oo la safray wafdigaas ayaa warbixintan ka soo diray.

Wafdigan oo ka kooban Bahda Jigjiga TV waxay dabayaaqadii todobaadkii hore bilaabeen booqasho indha-indhayn ah iyagoo socod dhulka ah ku marayay Degmooyin ka mid ah Gobolka Jigjiga & Gobolka Dhagax-Buur.

Wafdigu waxay booqdeen magaalada Qabri Bayax ee xarunta u ah Degmada Qabri Bayax waxayna halkaas kula kulmeen qaar ka mid ah maamulka Degmada & Shaqaalaha Degmada.

 

 

 

Waxay wafdigu kulan la yeesheen maamulka Degamada Qabri Bayax ay kala hadleen arrimo badan oo khuseeya horumarka, maamulka suuban & dedaalka dawlada ay ugu jirto inay wanaajiso qaab nololeedka shacabka Degaanka.

Iyagoo sii wata booqashadoodii waxay wafdigu Degmada Qabri Bayax uga sii gudbeen Dhanka Magaalada Dhagax-Buur, waxaana xuduuda labada Degmo kaga hor yimid Maamulka Gobolka Dhagax-Buur oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Dhagax-buur Mudane Badal Xiis & Gudoomiyaha Degmada Mudane Maxamed Cabdi Xasan Dhoodhe.

Inta ayna gaadhin magaalada dhagax-Buur waxay wafdigu booqdeen Xarun Caafimaad oo cusub oo dhawaan xadhiga laga jaray oo laga dhisay Qabaleega Araarso.

 

 

Wafdiga inta ay ku sugnaayeen magaalada Araarso waxay kulamo kala duwan la yeesheen shacabka & maamulka magaalada iyagoo si niyadsan u dhagaystay warbixinta shacabka ay siinayeen.

Markii ay dhamaysteen joogitaankii magaalada Araarso waxay wafdigu u gudbeen dhinaca magaalada Dhagax-Buur halkaas oo ay Xarunta Cusbitaalka Dhagax-Buur kula kulmeen shacab ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka ah, sida shaqaalaha, dhalinyarada, ardayda, cuqaasha, haweenka, indheer-garadka & aqoonyahanka magaalada Dhagax-Buur.

Kulanka shacabka Dhagax-Buur & wafdiga oo aad u diiranaa ayaa waxaa ka hadlay odayaal fara badan. Wafdiga oo horaantiiba gudbiyay hadafka booqashadooda ayaa bulshada rayidka ah u sheegay in dadka qurbaha jooga laga dhaadhiciyay fikrad qalad ah oo ay nabad-diidku ku faafin jireen.

Waxay wafdigu sheegeen in ka hor inta ayna soo gaadhin degaanka ay fikrad kale ka haysteen balse ay haatan ogaadeen in xaqiiqda dhabta ee degaanka ka jirta ay si aad ah uga duwan tahay waxa dibadaha laga aaminsan yahay.

Sidoo kale, waxaa waftiga Jigjiga TV ay shacabka u balan qaadeen in wixii haatan ka danbeeya ay u guntan doonaan inay sii labalaabaan dedaalkoodii ay hore isugu xil qaameen, isla markaana ay kaalinta kaga aadan ay ka qaadan doonaan dedaalka horumarka.

Odayaasha & shacabkii iyaguna kulankaas ka hadlay ayaa eedo kulul dusha kaga tuuray eheladooda qurbo jooga ah, kuwaas oo ay ku dhaliileen inay iska indha tiraan wanaaga & waxqabadka ay shacabku haatan haystaan.

Shacabku waxay tilmaameen in dhamaan qurbo joogtu ay ka gaabiyeen dedaalka ay ku lahaan lahaayeen inay dadka & dalka wax u taraan.

Kadib kulanka shacabka waxay wafdigu socdaal gaaban ku kala bixiyeen Cusbitaalka Dhagax-Buur iyo dhamaan mashaariicda horumarka ee ka socda magaalada & degmada Dhagax-Buur.

Waxaa kaloo wafdiga lagu sharfay inay dhagax dhigaan xarun cusub oo loo samaynayo saylada Xoolaha ee degmada Dhagax-Buur.

 

 

Gudoomiyaha Degmada Dhagax-buur Mudane Maxamed Cabdi Xasan Dhoodhe oo ka hadlay dhagax dhigaas ayaa sheegay in faa'iidada ay Saylada Cusub ee Xoolaha ee Dhagax-buur ay u leedahay dhaqaalaha degamada & ka degaankaba ay tahay mid aan la soo koobi karin.

Waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay in Saylada oo laga dhisayo dhinaca Qabri-dahar ee togga Dhagax-buur lagu dhamays tiri doono muddo lix bilood ah.

Maalinnimadii ku xigtay ayaa wafdigu wuxuu u anbabaxay dhinaca Qabri-Dahar iyagoo maraya wadada cusub ee Laamiga, waxayna wafdigu kulamo furan la yeelanayeen bulshada ay kula kulmaan dhamaan tuulooyinka ku dherersan wadada laamiga ah ee tagta Qabri-Dahare.

Kulankii u horeeyay waxay Tuulada Garawo kula yeesheen shacabka degan tuuladaas iyagoo halkaas ku booqday xabaasha taariikhiga ah ee Garawo. Kadib Tuulada Garawo waxay wafdigu sii wateen socdaalkoodii iyagoo ku yara hakaday tuulada Sandixiile, halkaas oo kula kulmeen cuqaasha degaankaas.

Odayaasha Degamadaa ayaa wafdiga u sheegay dhibaatada ay nabad-diidku ku hayaan bulshada rayidka ah ee degan aaggaas. Waxay shacabku wafdiga u sheegeen in tirraba saddex jeer ay nabad-diidku shacabka tuulada soo weerareen oo laba goor ay tuulada ka gubeen, balse haatan uu ciidanka Degaanka Soomaalida ee Liyuu Boolisku ka difaacay inay mar kale dhibaato u gaystaan shacabka Sandixiile.

 

 

Markay socdaalkoodii sii wateen wafdiga ayaa waxay Tuulada Huuraale & Sasabane dhexdooda ay kula kulmeen shaqaale ku hawlan dhigista Xargaha Fibre Optics ee Broadband ee la doonayo in la isku xidho dhamaan dunnida. Waxay wafdigu halkaas ku arkeen shaqaale isugu jira kuwo degaanka & kuwo ajnabi oo dhigaya xargaha isgaadhsiinta Broadband ee la doonayo in la isku xidho dhamaan degaanka oo idil & dunida inteeda kale.

 

 

Sidoo kale, waxaa wafdigu ay Tuulada karin-Cagaag ay kula kulmeen shaqaalaha balaadhinta wadada laamiga oo istucmaalaya aalladaha naqaska xooga wayn tuuraya iyagoo ku jabinaya dhagaxda iyo wixii kasta ee ka hor yimaada. wafdiga oo aad ugu riyaaqsan dedaalka horumarka ee Degaanka ka socda ayaa sii watay safarkiisa waxaayna ay xilli qadihii hortiisa ay gaadheen tuulada Sasabane.

Duhurnimadii ayaa wafdigu markay ka qadeeyeen Tuulada Sasabane, ayaa waxay booqdeen shaqada ka socota dhismaha wadada Laamiga iyadoo tuulada Sasabane laga samayno kaabad aad u wayn oo dhulka hoos loo qoday in ka badan 50 mitir.

 

 

Tuulada Sasabane waxaa ay wafdigu kula kulmeen shacab ay ka waraysteen qaab nololeedkooda. Qaar ka mid ah shacabka ayaa wafdiga u sheegay in dhibaatada ugu wayn ee haysata ay tahay iyadoo nabad-diidku uu ka dumiyay dugsigii hoose ee dawladu u dhistay. Qaar ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in dhawr goor oo dawladu mashaariic horumar ah isku dayday inay ka samayso degaankan ay carqaladeeyeen nabad-diidka laga soo masruufo dalalka dibada.

Dhinaca kale, waxaa wafdigu ay booqdeen Ceelka Sasabane halkaas oo ay ku arkeen ceelkii caanka ahaa oo lagu rakibay bamka gacanta laga soo tuuro biyaha. Oday ka mid ah duqayda Sasabane oo ay wafdigu kula kulmeen ceelka isagoo shubanaya ayaa sheegay in xilligii hore ee aan aallada cufka ah lagu rakibin uu ka mid ahaa dadkii xoolaha ka waraabin jiray.

Wuxuu odaygu sheegay in ceelka oo aad u dheeraa ay dartii ay ku qaadan jirtay in 7 qof ay wadaanta biyaha isku soo tuurtuuraan. "Waxaan ahaa Todoba qof ka ugu hooseeya ee gunta ceelka ku jira, hadana waad aragtaan anigoon is dhibayn ayaan gacanta bidixda ku shubayaa biyihii aan u baahdo"" ayuu yidhi odaygu.

Kadib markay soo gunaanadeen booqashadii Sasabane, waxay wafdigu u anbabaxeen yoolkoodii, balse waxay ku yara hakadeen Tuulada Baka, halkaas oo ay ku indha-indheeyeen sida ay u socoto hawsha dhismaha ee Kaabada Baka oo aasaaskeedii la taagay, shaqaale aad u fara badana ay ka shaqaynayaan.

Mid ka mid ahaa cuqaasha Baka oo wafdigu xog waraystay ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka qurbo jooga fariin laga gaadhsiiyo.

 

Odayga oo aad moodayso inuu doonayay inuu sharaxo dhibaato shaqsiyan u dhibaysa ayaa isagoo indhihiisa ilmo ku soo taagan tahay wuxuu wafdiga ka codsaday "Waxaad dadkayga qurbaha jooga iga gaadhsiisaan, hal fariin ah oo ah (Waxaad maanta garan waydeen in kaabada Baka laga dhisayo, uu ilaaliyo nin laga keenay Gambella oo uu ka ilaaliyo kii ila dhashay ee degaankan ahaa) ma sidaasaa dadnimo ah, ma sidaasa muwaadinimo ah?".

Wafdiga oo aad uga qiirooday weedha odayga, ayaa waxaa kolkii danbe loo sheegay in odaygu uu lahaa hal wiil oo madi ah, kaas oo ku dhintay mar uu qaaday daad soo rogmaday wiilkiisa oo ka gudbaya Laagta Baka.

La Soco Qaybta 2aad ee Booqashada Wafdiga jigjiga TV oo ka sii socon doonta Sasabane, Birqod, Sheygoosh, Qabri-Dahar, ilaa Godey.

CakaaraNews

 

Daawo Sawirada Degaanka Quruxdiisa

RADIO CAKAARA

There seems to be an error with the player !

English News

Diaspora Vows to Support Somali State Peace & Development

Diaspora Vows to Support Somali State Peace & Development

Series of meetings between Somali State government delegation led by Abdifitah Sheik Abdullahi, Chai...

Read more...

For immediate release: Minneapolis Conference Communiqué

For immediate release: Minneapolis Conference Communiqué Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le... Read more...

Ethiopia: Somali rebel factions declare a shift to work for peace, dev’t

Ethiopia: Somali rebel factions declare a shift to work for peace, dev’t Addis Ababa (CakaaraNews) The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L... Read more...

Somali State Diaspora Association Elects New Management Staff

Somali State Diaspora Association Elects New Management Staff Addis Ababa (CakaaraNews) – The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi... Read more...

Residents of Jijiga, Kebribeyah towns casting votes Sunday, 23 May 2010

Residents of Jijiga, Kebribeyah towns casting votes     Sunday, 23 May 2010 Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote... Read more...

ElBaradei free to seek Egyptian presidency: Mubarak

ElBaradei free to seek Egyptian presidency: Mubarak March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo... Read more...

Somali pirates free Indonesian ship for $7.5mn

Somali pirates free Indonesian ship for $7.5mn

Somali pirates freed a Singaporean-flagged chemical tanker, having 24 crew members including Indians...

Read more...

$3M bail each in Seward killings

$3M bail each in Seward killings Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ... Read more...

Fikirkaaga Ka Bixi ONLF

ONLF Waxay u taagan tahay?
 

Login

  • Login
  • Create an account
    Registration
    *
    *
    *
    *
    *
    Fields marked with an asterisk (*) are required.