Barmiil (CakaaraNews) Warar degdeg ah oo aan iminka helnay ayaa sheegaya in dagaal ay saaka subaxnimadii qaadeen Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska oo ay ku qaadeen koox budhcad ah oo baxsad ahayd agagaarka meesha la yidhaahdo Jajabo oo ka tirsan degaanka Barmiil ay ku gaadhsiiyeen khasaare laxaad leh.
Wararkan oo aan xaqiijinay ayaa noo sheegay in budhcada Ubada ah halkaas lagaga dilay shufto tiradoodu dhan tahay 15 oo ka tirsanaa budhcada UBO.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Ciidamada Liyuu Booliska oo ku daba jiray budhcadan baxsadka ahayd ay abaarihii sagaalkii subaxnimo ee saaka weerarka ku qaadeen kooxda budhcada iyagoo halkaas ku dilay 15 ka mid ahaa, waxayna nolol ku qabteen laba ka mid ahaa budhcada. Sidoo kale, waxaa budhcada halkaas lagaga furtay hub & saanad fara badan.
Sida uu noo sheegay Kornayl ka mid ahaa Ciidamada Sida gaarka ah u Tababarn ee Liyuu Booliska budhcada la dilay oo uu hogaaminayay budhcad la yidhaahdo Xuseen Cabdi waxaa ku jira shuftada kala ah:-
1) Xuseen Cabdi oo haybtiisu tahay Reer Samatar Jeeraar oo Hogaamiye ahaa
2) Gaagaale Maxamuud oo haybtiisu tahay Maalinguur
3) Jawhar Shariif Wali oo oo haybtiisu tahay Shariif
4) Gadh Turaye oo haybtiisu tahay Maalinguur
5) Af Deyl Maxamed oo haybtiisu tahay Liibaan Jeeraar
6) Cabdiraxmaan Cali oo haybtiisu tahay Ugaas Kooshin Biih Nagaraad
7) Cabdi Dhuux Ibraahin oo haybtiisu tahay Galimays
8) Xasan Maxamed oo haybtiisu tahay Reer Liibaan Jeeraar.
Sidoo kale, waxaa Kornaylka Ciidamada Liyuu Boolisku uu noo sheegay in laba budhcad ee nolosha lagu qabtay ay kala yihiin:-
1) Maxamed Cabdi Xasan oo haybtiisu tahay Reer Samatar Jeeraar iyo
2) Cabdi Maxamed Xasan oo haybtiisu tahay Galimays
Kornaylku wuxuu noo sheegay in labada shuftada ah ee nolosha lagu qabtay markii la waraystay ay sheegeen magacyadan inkastoo ay ku andacoodeen in sagaalka kale ayna garanayn oo ay sheegeen inay saaka uun is arkeen. Dhanka kale, budhcad lagu magacaabay Sheekh Badri Cabdiraxmaan Dakhare ayaa todobaadkii aan soo dhaafnay ay Ciidamada Liyuu Boolisku ku dileen agagaarka gurada Far Dhiig oo u dhaw duleedka Karin Bilcinle, ee qobolka Qoraxeey, Degmada Qabri-Dahar.
Budhcadka la dilay ee la yidhaahdo Sheekh Badri ayaa ka mid ahaa budhcada waawayn ee sida ba'an u waxyeeleeyay bulshada ku dhaqan dhulkaas. Xafiiska Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa si aad ah uga mahad celiyaya shacabka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidamada Sida gaarka ah u Tababaran ee Liyuu Booliska. Wuxuuna Xafiiska Nabadgalyaday tilmaamay in guulaha wax ku oolka ah ee Ciidamada Liyuu Boolisku soo hooyeen aan la heleen hadaanu iskaashiga shacabku jirin.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|

Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


