Jigjiga (CakaaraNews) Shirkada Ganacsiga ee Suhuura 571 ayaa soo bandhigtay designka hotel 5 star ah oo laga dhisayo magaalada Jigjiga saddexda sanno ee soo socda.
Shirkada Suhuura 571 General Trading oo ah shirkad Ganacsi oo degaanka laga leeyahay ayaa dhamaystirtay astaynta qaabka uu yeelan doono Jigjiga Suhura Hilton oo laga dhisayo caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga.
Jigjiga Suhura Hilton oo ah hotelka ugu horeeya ee shan xiddigood darajidiisu tahay ee laga dhiso Dawlad Degaanka Soomaalida, iyo ka sadexaad ee ee dalka Itoobiya & Geeska Afrika oo idil waxaa dhismihiisu ka kooban yahay saddex dhismo oo isku dhegan oo ah 10 dabaq.
Waxaa kale oo Jigjiga Suhura Hilton uu leeyahay 3 hool shirar oo heer caalami ah oo midkiiba qaadayo inbadan 3,000 oo qof, isla markaana ku qalabaysan aalladaha isgaadhsiinta ee technolojiga casriga ah.
Hotelkan Jigjiga Suhura Hilton oo ku bixi doonta lacag dhan bilyan Dolarka Maraykanka ah ayaa waxaa maalgalinaysa shirkada ganacsiga ee Suhuura 571 General Trading oo ay leedahay Marwo Xaajiyo Suhuura Ismaaciil.
Hotelkan oo leh dhismo aad u qurux badan waxaa lagu dhisayaa qalab & agab aad u khafiifa oo isticmaalkiisa iyo helistiisaba laga soo guurin karo degaanka gudahiisa.
Jigjiga Suhura Hilton waxaa uu leeyahay qolal jiif ah oo isugu jira Single Bedroom, Double Bedroom, Deluxe suite, Delux Mezanene & Presidential guest house. Jigjiga Suhura Hilton waxaa loo asteeyay inuu noqdo hotel tropical ah waxaana 60% uu iftiinka nuurka gudaha uu ka helayaa ilayska cadceeda.
Sida uu CakaaraNews u sheegay Injineer Xirsi Maxamed Ibraahin oo ah muhandiska Shirkada Suhuura 571 General Trading, waxaa hotelka loo asteeyay inuu noqdo mid aan bii'ada waxba u dhimayn oo ah eco friendly.
Hotelka Jigjiga Suhura Hilton wuxuu yeelanayaa saddex barkadood oo kuwa lagu dabaasho ah oo hawada u furan taas oo u saamaxaysa in dedka degan hotelka ay helaan meel ay ku cadceedsadaan.
Waxaa Receptionka Jigjiga Suhura Hilton uu leeyahay xafiisyadii ay geli lahaayeen dhamaan wakaaladaha safarada ee laga goosto tikidhada diyaaradaha iyo kuwa ka shaqeeya hagista dalxiiska iyo booqashooyinka. Madasha kulamada ee Jigjiga Suhura Hilton ayaa qaadaya in ka badan 3,000 oo qof.
Dhinaca kale, Duqa Magaalada Jigjiga Inj. Cabdisalaan Maxamed ayaa sheegay in bilowbista dhismaha Hotelka ay u gogol xaadhayso in Caasimada Jigjiga ay noqoto xarun dalxiis.
Wuxuu Injineer Cabdisalaan uu sheegay in maamulka dawlada Hoose ay horeba shirkada Suhuura 571 General Trading ugu wareejiyeen dhulkii ay hotelka ka dhisi lahaayeen oo bilaash ay ku siiyeen.
Sidoo kale, Mulkiilaha Shirkada Xaajiyo Suhuura Ismaaciil ayaa CakaaraNews u sheegtay in dhawaan ay u anbabixi doonto magaalada Addis Ababa halkaasna ay kala soo xaajoon doonto bilowbista hawsha dhismaha Hotelka.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|






Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


