Dhagax-Buur (CakaarNews) Xaflad lagu abaal marinayay ciidamada Booliska ee sida Gaarka ah u Tababaran ee Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa lshalay agu qabtay Magaalada Birqod ee Gobolka Dhagax-Buur. Xafladaa oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida oo uu hor kacayo Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa kaloo ka mid ahaa Madaxa Xafiiska Dhalinyarada & Ciyaaraha Mudane Farxaan Xuseen Cabdi.
Xafladaa oo lagu qalay in ka badan 50 neef oo Geella waxaa ka soo qayb galay ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Booliska sida Gaarka ah u Tababaran ee loo yaqaano Liyuu Boolis, kuwaas oo abaal marino kala gadisan lagu siiyay. Abaal marinta ugu wayn waxaa la siiyay cutub ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliska oo bishii January ee sannadkan gacanta ku dhigay gaadhi hub ah oo Kaligii Taliyaha Asmara ee Isayaas Afeworki u soo raray si loogu mashaqeeyo shacabka masaakiinta ee Dawlad Degaanka Soomaalida.
Hogaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo abaal marintaas bixinayay ayaa wuxuu ciidanka Booliska Gaarka ah ee Liyuu Booliska ku amaanay dedaalka aan hagrashada lahayn ee ay ugu jiraan inay ku cidhib tiraan canaasiirta nabad-diidka ee naafeeyay horumarka Degaanka Soomaalida. Wuxuu Hogaanku halkaa ku bixiyay abaal marino kala duwan oo isugu jira dalacsiin, mushahar korodh, iyo mid macnaawi ahba.
Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska Dhalinyarada Mudane Farxaan Xuseen ayaa ciidamada booilska gaarka ah gaadhsiiyay fariimo, salaan, & mahadnaq ay ciidamada u soo direen walaalahooda qurbo joogta ah ee ka tirsan jaaliyadaha ku nool dalalka dibada. Fariimahaas oo mid mid loo akhriyay ayaa waxaa si khushuuc leh u dhagaysanayay xubnaha ciidamada booliska ee ku sugnaa Birqod.
Dhinaca kale, Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxa Xafiiska Dhalinyarada & Ciyaaraha Mudane Farxaan Xuseen, iyo Gudoomiyaha Degmada Dhagax-Buur Mudane Maxamed Cabdi Xasan Dhoodhe ayaa saaka kulan balaadhan la yeeshay shacabka rayidka ah ee ku nool Magaalada Dhagax-Buur.
Shirkan oo aad u balaadhnaa waxaa lagaga wada hadlay sida ay u socdaan baaxada dedaalka & mashaariicda Horumarinta ee laga wado, gaar ahaan magaalada Dhagax-Buur, iyo guud ahaanba Degmada Dhagax-Buur. Shacabkii ka soo qayb galay shirkaa ayaa aad ugu mahad celiyay Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay ku tilmaameen inay tahay xukuumadii ugu horaysay ee ka dhabaysa wax Alla wixii ay balan qaado. Qaar ka mid ah shacabka oo goobtaas ka hadlay ayaa carabaabay in hawsha galinta laydhka Hydro Electric powerka ah ee haatan magaalada in yar u soo jira ay tahay midhihii ka dhashay balan qaadkii ay sameeyeen Madaxwayne Daa'uud Maxamed Cali & Hogaan Cabdi Maxamuud Cumar.
Sidoo kale, waxaa duhurnimadii maanta ay madaxda joogta Magaalada Dhagax-Buur ay si wadajira ay xadhiga uga jareen Xarun Isgaadhsiinta la iska arko oo cusub oo laga sameeyay magaalada Dhagax-Buur. Xaruntan cusub oo ku qalabaysan aallada Tele-Conferencing waxaa loogu talagalay inay ku wada kulmaan degmooyinka uu Degaanku ka kooban yahay, isla markaana uu maamulku isku waydaarsado waaya-aragnimada & khibrada ay kala leeyihiin.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|

Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


