Jigjiga (CakaaraNews) Kulanka caadiga ah ee Gollaha Hawl-Fulinta Xukuumada (Cabinet) Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa oo maalin walba oo Sabti ah la qabto ayaa maanta lagu qabtay Xafiiska Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Mudane Daa'uud Maxamed Cali. Kulankan oo ajandayaasha laga doodayay ay ka koobnaayeen 11 ajande oo kala ahaa dhagaysigii joogtada ahaa ee Warbixinta Geedi Socodka Barnaamijka BPR oo uu soo bandhigayay Xafiiska Kobcinta Awooda ee Dawlad Degaanka Soomaalida, Dhagaysiga Codsiga & Ansixinta Miisaaniyad Wareejinta oo uu soo codsaday Maamulka Magaalada Jigjiga, Dhagaysiga Gollaha ee Warbixinta Diyaarinta Qorshaha 5ta Sanno ee Degaanka, Miisaaniyada Tababarada Tuulooyinka Hadhsan, & Ansixinta Diritaanka Ciyaartoyda Ka Qayb Galaysa Tartanka 2aad ee Degaanada Itoobiya oo ka dhici doona Addis Ababa.
Faaqidaada todobaadkan waxaanu ku soo qaadanaynaa Ajandaha Koowaad ee ku saabsan Codsiga Kabista Miisaaniyada ee Dawlada Hoose ee Jigjiga. Kulankan oo uu gudoominayay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali, waxaa markii uu furay uu madaxwaynuhu codsaday in Duqa Magaalada Jigjiga Mudane Cabdisalaan Axmed Ibraahin uu soo bandhigo dulucda ajandaha.
Duqa Magaalada ayaa dabadeed soo bandhigay warbixin ku saabsan natiijadii ka soo baxday dood cilmiyeedkii todobaadkii hore lagu qabtay Caasimada Jigjiga ee lagaga doodayay master Planka Cusub ee magaalada loo samaynayo.
Warbixinta Duqa Magaalada oo uu ku soo bandhigay codsi uu kabis miisaaniyadeed ah oo Xukuumada Degaanka ay siinayso. Duqa magaalada Mudane Cabdisalaan Axmed Ibraahin wuxuu sheegay in lacagaha ay u baahan yihiin ay ku samaynayaan hawlo kala gadisan oo lagu balaadhinayo Magaalada Jigjiga. Hawlahaas oo kuwa ugu muhiimsan ay ka mid ahaayeen daraasada Cadistarka, Dhismo ku meel gaadh ah oo loo sameeyo maamulka Dawlada Hoose, Darajaynta, dib u habaynta & kobcinta shaqaalaha Maamulka magaalada, Dhisida dayr ama mooska lagu ilaaliyo biyaha & daadadka, iyo dhisida guryaha fooqyada shacabka ee loo yaqaano Condominium ama apartments.
Kadib markii uu Duqa magaaladu dhameeyay warbixintiisii ayaa loo galay dood & falanqayn aad u qoto dheer oo xubnaha Gollaha hawl-Fulinta (Cabinet) ay ku lafagureen codsiga Dawlada Hoose ee Jigjiga. Madaxa xafiiska Maaliyada & Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cumar Xaaji Ibraahin ayaa isagu tusaaleeyay in mudnaanta baahida magaalada culayska la saaro. Wuxuu mudane Cumar Xaaji soo bandhigay dhibaatada magaalada ka haysta xaga sugiyaha ama meesha xoolaha lagu qalo (Abatoir), wuxuuna talo ahaan u soo jeediayay in kharashka ku baxaya xubinta Darajaynta maamulka mudnaanta laga siiyo dhisida sugiye cusub.
Madaxa Xafiiska Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Bulxan (Gurey) ayaa isagu tilmaamay in loo baahan yahay in kobcinta shaqaalaha ay u gogol xaadhayso in ay si haboon magaaldu u gudato adeegyada ay bulshada u fidiso. Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska Hawlaha Guud & Horumarinta Magaalooyinka Inj Cabdirisaaq Rashiid Cumar ayaa geestiisa soo bandhigay in ay fulinayaan mashaariic dhisitaan guryaha shacabka condominium. Wuxuu Inj Cabdirisaaq Rashiid Cumar uu tibaaxay in ay habeeyeen ururo iskaashatooyin bulsho ah oo loo dhisay inay qaataan shaqooyinka dhismaha. Wuxuu sidoo kale uu Inj Cabdirisaaq sheegay in qalabkii & wixii lagu dhisi lahaa oo dhan ay haatan diyaar ka dhigeen oo loo baahan yahay in hawsha dhismaha loo daayo Xafiiska Hawlaha Guud.
Madaxa xafiiska Beeraha Xoolaha, Dalaga & Horumarinta Reer Miyiga Dr Cabduqaadir Iimaan ayaa isna geestiisa ka sheegay in aad loogu baahan yahay in wax laga qabto daadadka & socodka biyaha ee ku soo rogamada magaalada. Waxaa uu Dr Cabduqaadir Iimaan uu sheegay in roobabkii todobaadkan ka da'ayay magaalada ay sababeen in wadooyin fara badan ay go'aan. Sidoo kale, waxaa uu Dr Cabduqaadir Iimaan sheegay in loo baahan yahay in Maamulka magaalada maanka ku hayo in dhisida Abatoir cusub ay haboon tahay in laga dhiso meel ka baxsan magaalada, isla markaana aan sababayn inay wasakhayso biyaha dhulka hoostiisa ceegaaga. Wuxuu Dr Cabduqaadir Iimaan tusaaleeyay in meesha xoolaha lagu qalayo aad looga fogeeyo goobaha ceelasha biyaha leh.
Madaxa xafiiska Ka Hortaga & U Diyaar garawga Masiibooyinka Mudane Guuleed Axmed Cali ayaa isna geestiisa ka sheegay in roobabka haatan da'ay ay sababeen dhibaatooyin qaab nololeed oo aad u balaadhan. Wuxuu Mudane Guuleed sheegay in hal habeen oo qudha uu Jigjiga ku da'ay roob cabirkiisu dhan yahay 115 mm, taas oo ka dhigan inuu roobkaas halka habeen kaliya da'ay uu la mid yahay marka la isku daro dhamaan roobabkii Dayrtii hore ka da'ay magaalada Jigjiga.
Gabagabadii, ayaa Madaxwayanaha oo soo gunaanaday falanqaynta, wuxuu sheegay in maanta ay noo taagan tahay in dad badbaadino. Daadadku waxay waxyeeleeyeen dad fara badan, waxayna sababeen khasaaro maal & moodba leh. Wuxuu Madaxwaynuhu carabaabay in Xukuumada Degaanku ayna kharash kala maagayn hadii ay noqoto in lagu badbaadiyo shacabka.
Wuxuu madaxwaynuhu taageeray fikirka in Abatoir cusub oo magaalada ka baxsan si degdeg ah loo dhiso, isla markaana ay maamulka Dawlada Hoose la yimaado qorshe uu wax kaga qabanayo noocyada qashinka, khaasatan liquid waste management. Ugu danbaystii, waxaa Gollaha Hawl-Fulintu uu u codeeyay dhamaan codsigii maamulka Dawlada hoose oo loo kala qaaday dhawr xal oo kala duwan.
Dhinaca kale, waxaa uu madaxwaynuhu sheegay in maanta ayna jirin marmarsiyo laga dhigto in aan la helayn muwaadiniin baratay cilmiga Urban Planning, isagoo tibaaxay in kulankiisii uu la yeeshay ardayda Soomaalida ee wax ka barta Addis Ababa uu ku arkay daraasiin arday ah oo waxbarashada Heer Master Degree ku qaadanaya Addis Ababa. Wuxuu madaxwaynuhu tibaaxay inay ardaydaa isku soo af garteen inay degaankooda toos u yimaadan kolka ay waxbarashada dhamaystaan.
Sidoo kale, waxaa uu madaxwayne Daa'uud uu sheegay in booqashadiisii todobaadkii hore uu ku tagay Magaalada Maqale ee caasimada u ah Degaanka Tigray uu kula shiray arday fara badan Degaanka Soomaalida u dhalatay oo waxbarasho adaab kala gadisan ah ka dhigta jaamacadaha ku yaala Degaanka Tigray. Wuxuu Madaxwaynuhu sheegay in ardaydaa oo hablo u badnaa uu ka soo qaaday axdi inay ka hawl galaan degmooyinka & tuulooyinka dadka xoolo-dhaqatada ahi ku nool yihiin.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|

Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


