Jigjiga(CakaaraNews)Kulankan ayaa waxaa ay madaxwaynaha DDS Mudane Da'uud Maxamad Cali, waftigan kawada hadleen warbixinihii ay mudadii ay booqashadi ay qaybaha kala duwan ee Degaanka kusoo mareen.
Ujeedoyinka socdaalkoogan booqasho,ayaa aha mid ay dalkooga iyo dadkoogaba ku baranayeen, oo ay aad ugu riyaaqeen isbadalka balaadhan ee ay Xukumada Degaanku ku talaabsatay.
Mudane Da'uud Maxamad Cali Madaxwaynaha DDS ayaa isna dhankiiisa uga warbixiyay warbixintii guud ee degaanku soomaray, mudadii uu xilka qabtay ilaa hada gaar ahaan isbadalada xukumadu ay ku talaabsatay ee Horumarka ,Nabadgalyada ,Maamulka Suuban, 
Maalgashiga iyo xidhiidhada wacan ee Xukumadu mudooyinkan danbe lasamayso Qurba Joogta Deegaankan udhalatay iyo xidhiidhka wanaagsan ee hada kadhaxeeya heerka uu marayo uga warbixiyay.
Sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu usoo ban dhigay waftiga, xukumad ahaan waxa ay ugu tala gashay walaalahooga qurbaha ku nool ee Degaanka udhashay iyo fursadaha maalgashi ee kabanaan degaankenan, khayraadka dabiiciga ku caanka ah. sidii ay umaal gashan lahayeen.
Ugu danbayntiina qurba joogtani bahda jigjiga TV oo kadhisan dalka Maraykanka Gobolkiisa Miniyabalis ayaa mudo booqashooyin ku kala bixiyay meelo katirsan gobolada Degaanka Soomaalida.
Isla waftigan ayaa markay kasoo labteen kulankii madaxwaynaha ayaa waxay usoo kicitimeen xafladii lagu xusayay munaasabada xuska malinta Haweenka ee aduunka 8march.
iyagoo goobtaas kula kulmay ban dhig dhaqameedkii ay soo ban dhigeen haweenku agaabtii hidaha iyo dhaqanka, cuntooyinkii la ilaaway ee dhaqanka u ahaa somalida.
Gabagabadii waftigu waxa uu kala qaybgalay taandhoyin loogu tala galay in shacabka kasoo qaybgalay munaasabadan ay isaga badhaan cudurka dilaaga ah ee HIV ga, isla markaana iyaguna xaruntaa cafimaadka kala qaybqateen.
CakaaraNews
| < Prev | Next > |
|---|

Somali Regional State Diaspora in Minnesota, USA, and Somali Regional State Government delegation le...
Addis Ababa (CakaaraNews)
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) and the United Western Somali L...
Addis Ababa (CakaaraNews)
– The Somali Development Association in Sana’a in association with the Ethi...
Jijiga, May 23 (WIC) – Residents of Jijiga and Kebribeyah towns of the Somali state are casting vote...
March 5, 2010 -- Egyptian President Hosni Mubarak said on Thursday that former U.N. nuclear chief Mo...
Relatives say two teens decided to rob a store to get a car out of the impound lot. Charges say the ...


