CakaaraNews

The Only Web Site on Somali State Soil

Wednesday
Sep 08th
Kadinka Wararka Jaaliyaadka

Jaaliyaadka


Warsaxaafadeed: Qurba Joogga Gobolka Dhagaxbuur ee Waqooyiga Amerika oo ka hadley Shirkii Faafan

Warsaxaafadeed: Qurba Joogga Gobolka Dhagaxbuur ee Waqooyiga Amerika oo ka hadley Shirkii FaafanQURBA-JOOGGA G/DHAGAXBUUR , DDS, ETHIOPIA
WAQOOYIGA AMERICA
AUGUST 29, 2010
WAR SAXAAFADEED

Waxaanu la soconay Shirka Nabadoonimada ee ay hormoodka ka ahaayeen Cuqaasha iyo wax-garadka bulshada ku dhaqan G/Dhagaxbuur oo galabta lagu soo gabo-gabeeyey Xarunta Cilmi-baadhista ee dooxada Faafaneed, Dhagaxlle, Jigjiga, DDS Ethiopia.

Anagoo, hadaba, tixraacayna shirkaas waxaanu doonaynaa, marka hore, inaanu kobtan ka muujino sida aanu raali uga nahay hadafka iyo natiijooyinka shirkaas ka soo baxay. Waxaanu taageersanahay dadkii soo agaasimay, kuwii hirgaliyey iyo kuwii ka qayb-galay intaba.

Waxaanu, marka xiga, ku faraxsanahay inaanu aragno bulshada: DDS guud ahaan, gaar ahaan bulshada G/Dhaxbuur oo u dhaqaaqsan dhanka: NABADA, HORUMARKA iyo NOLOSHA tayada leh. Waxaan isleenahay waxaa halkan ku haboon inaan soo xigano erayadii Dr. Martin luther King Jr markii uu lahaa  Darkness cannot drive out darkness; only light can do that.   oo macneheedu yahay  mugdigu kaama saari karo mugdi; iftiin umbaa kaa saari kara mugdiga. .

Waxaynu ognahay in dagaalkii iyo dadaalkii Jabhadaynta ayna meel fog ina gaadhsiin marka aan bar-bardhigno kharashkii naf-iyo-maalka lahaa ee aan galinay 50-kii sano ee ugu dambaysay. Sidaa darteed, wuxuu cagliga fiicani inoo tilmaamayaa inaan la nimaadno tabo iyo xeelado cusub oo aan kula tacaali karno xiligan la jooga si dadkeenu uga midnoqdo bulshawaynta caalamka ee ka badbaaday cidhibtirka kayimaada dagaalada, cudarada, gaajada iyo kuwa lamid ka ah.

Waxaynu ognahay in 9-ka gobol ee DDS ay Jabhadayntu ka jirto sadex ilaa afar gobol oo kaliya macneheeduna noqonayo 60-70% inay ka maqanyihiin saaxada waxa aynu ugu yeedhno  Halganka . Tusaale ahaan, G/Shiniille, G/Liben iyo G/Afdheer oo ah kan ugu balaadhan dhanka masaaxada (land-mass), waxaan ku doodi karnaa inaan laga aqoonin macnaha JWXO iyo  Halgankeeda  hubaysan toona. Dhanka kale, G/Jigjiga waa gobolka ugu dadka badan ee ay ku taallo caasimada Jigjiga, miyeynu maqalay wax halgan ah oo ka socda?

Waxaan bulshada G/Dhagaxbuur xasuusinaynaa inay  iyaga  dani ugu jirto ololaha nabada ee ka aloosan DDS, sidaasi darteed waa inay gacmaha-u-furaan! Waxaa kale oo aan bulshada G/Dhagaxbuur xasuusinaynaa in ururkii ONLF inuu ku biiray ururadii fashilmay ee aan taariikhda horay ugu maqalay; wax xil ah oo  iyaga  si gaar ah uga saaranina  ka wal-walkiisa  ayna jirin. Waxaan bulshada G/Dhagaxbuur iyo bulshada DDS ku la talinaynaa inay u dhaqaaqaan dhanka: Nabda, Horumarka iyo Hal-abuurnimada (creativity).

Ugu dambayntii waxaanu munaasibada uga faa iidaysanaynaa inaanu hambalyo u diro Madaxweynaha cusub M. Cabdi Muxumed Cumar oo goob-joog ka haa shirka G/Dhagaxbuur ee maanta la soo gabagabeyey iyo madaxa gobolka Dhagaxbuur mudane Badal Xiis oo si gaar ah ah isaga xilsaarey shirkan qabsoomidiisa. Waxaa kale oo aanu halkan mahad uga celinaynaa: madaxdii kale iyo madax-dhaqameedyadii beelaha DDS ee shirkaa ka soo qayb gashay.

Gabagabadii waxaan PM Dowlada Ferdaraalka Ethiopia M Meles Zenawi iyo Madaxweynaha DDS M Cabdi Muxumed Cumar ka cadsanaynaa:

1. In cadaadiska milatari iyo kan siyaasadeedba laga qaado D/Dhagaxbuur,

2. In la siidaayo maxaabiista siyaasadeed ay ka midka yihiin caaqiliinta iyo baayac-mushtarka iyo dadka kale ee rayidka ah,

3. In ololaha nabadeed oo ay ku dheehantay niyad wanaag la siiwado, lana balaadhiyo iyadoo maskaxda lagu hayo wadiiqooyinka  win-win  ku waas oo horoy lagu xaliyey khilaafaadyo badan.

Mahadsanidin

Waxaa lala xidhiidhi karaa:
Maxamed Kaahin
Maxamed Q Yuusuf
Suldaan Cumar
Cabdi Bulxan

Qaman73@hotmail.com
 

Hambalyo iyo Talo Bixin Ku aaddan Ururada Nabadda Qaatay iyo Maamulka SPDP

Hambalyo iyo Talo Bixin Ku aaddan Ururada Nabadda Qaatay iyo Maamulka SPDP

UK (CakaaraNews) Aniga oo ah Dr Xuseen Cali Ibrahim ahna gudoomiyaha golaha qurbajooga Somaalida Itoobiya (ESDF) ee UK, kuna hadlaya magacayga, kan golaha iyo kan guud ee jaaliyadda UK waxaan hanbalyo iyo taageero buuxda u dirayaa nabadda ay qaateen u...

Xafiiska Adeega Jaaliyada Somalida Ethiopia ee Seattle oo Soo Saaray Baaq

Xafiiska Adeega Jaaliyada Somalida Ethiopia ee Seattle oo Soo Saaray Baaq Seattle (CakaaraNews) Shir balaaran oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Jaaliyada Soomaalida Ethiopia ee Seattle, ayaa waxaa kasoo baxay baaq ay ku taageerayaan heshiisyada nabada ee ururada mucaaradka & dawlada Itoobiya ay wada galayaan.

Shirka oo uu ho...

Kulan Aqoon Is Waydaarsi ah oo Safaaradda Ethiopia ee London ku Dhex Maray Safiiro iyo Aqoonyahano Deegaanka u Dhashey

Kulan Aqoon Is Waydaarsi ah oo Safaaradda Ethiopia ee London ku Dhex Maray Safiiro iyo Aqoonyahano Deegaanka u Dhashey London (CakaaraNews) Kulan xasaasi ah ayaa Sabtidii lasoo dhaafey 4/07/10 ka dhacay safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada London kaas oo looga wada hadley qaabka wax uga socdaan dhulkii hooyo, iyo talaabooyinka ay tahay ama laga filay xukuumadd...

Shirweyne lagu taageerey heshiiska ONLF iyo Ethiopia oo Seatle lagu qabtey

Shirweyne lagu taageerey heshiiska ONLF iyo Ethiopia oo Seatle lagu qabtey Seatle (CakaaraNews) Waxaa shalay ka dhacay magalada seattle washington ee dalka maraykanka shirweyne ay soo qaban qaabiyeen jaalioyada ka soo jeeda somali galbeed ee ku dhaqan gobolka washington, shirkan wuxuu daba joogay shirar badan oo ka dhacay wa...

Baaq Taageero Loo Hayo Heshiisyada Nabadeed oo Ku Dhawaaqeen Jaaliyada Guud ee Soomaalida Itoobiya ee Holland

Baaq Taageero Loo Hayo Heshiisyada Nabadeed oo Ku Dhawaaqeen Jaaliyada Guud ee Soomaalida Itoobiya ee Holland

Holland, 5 July 2010 (CakaaraNews) Shir uu isugu yimid Magaalada Amsterdam Guddiga Jaaliyadda Guud ee Soomaalida Itoobiya ee waddanka Holland waxay dhambaal taageero, hanbalyo iyo bogaadin ah u dirayaan Dawladda Dimuqraadiga Xidhiidhka Itoobiya iyo ta...

Shir Ballaaran oo Lagu Taageerayo Heshiska Nabadda iyo Xabad Joojinta U Dhaxaysa Dawlada Itoobiya & Ururka ONLF

Shir Ballaaran oo Lagu Taageerayo Heshiska Nabadda iyo Xabad Joojinta U Dhaxaysa Dawlada Itoobiya & Ururka ONLF

Minneapolis (CakaaraNews) Shalay ayaa waxaa ka dhacay magalada Minneapolis ee dalka maraykanka shir ballaaran oo lagu taageerayo heshiska nabadda iyo xabad joojinta ee dhexmaray dowlada Ethiopia iyo ururka ONLF.

Shirkaas oo ay soo qaban qabiyeen taager...

Jaaliyada Degaanka Soomaalida oo Si Wanaagsan u Soo Dhaweeyay Raíisal Wasaare Meles Zenawi

Jaaliyada Degaanka Soomaalida oo Si Wanaagsan u Soo Dhaweeyay Raíisal Wasaare Meles Zenawi

Toronto (CakaaraNews) Jaaliyada Degaanka Soomaalida ee ku nool Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka Kanada ayaa si diiran oo sharaf leh uga qayb galay soo dhawayntii Ra'iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Meles Zenawi oo 25 Bishii aan soo dhaafnay b...

Doorka Dihin ee Qurbo-Joogta Kaalinta Cosobka ah ee Xoogagga Jaaliyadaha Dibadda ee DDS ee Itoobiya By Maxamed C. Gurxan

Doorka Dihin ee Qurbo-Joogta Kaalinta Cosobka ah ee Xoogagga Jaaliyadaha Dibadda ee DDS ee Itoobiya By Maxamed C. Gurxan

Booqashadii wafdigii ballaadhnaa ee ka socday Dawladda Deegaanka Qawmiyadda Soomaalida Itoobiya, uu ku kala bixiyay qaar ka mid ah waddamada Yurubta Galbeed bishii Agoosto ee kal hore, waxay abuurtay ifafaalo siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo w...

Jaaliyada Soomaalida Degaanka ee Denmark oo Sameeyay Jaaliyad Guud oo Kulmisa

Jaaliyada Soomaalida Degaanka ee Denmark oo Sameeyay Jaaliyad Guud oo Kulmisa

Herning (CakaaraNews) Magaaladda Herning ee dalka Denmark ayaa waxaa ka dhacay shir ay isu yimaadeen Odayaal , aqoon yahay iyo dhallin yaro . Shirkan ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladda uu marayo gobolka somalida etiopia  waxaa sidoo kale aad si faa...

Jaaliyada Soomaalida Degaanka ee Aarhus oo Sameeyay Jaaliyad Guud oo Kulmisa

Jaaliyada Soomaalida Degaanka ee Aarhus oo Sameeyay Jaaliyad Guud oo Kulmisa

Aarhus (CakaaraNews) Shir si aad ah loosoo habeeyay oo lagu aasaasayay jaaliyad kulmisa Soomaalida ka soo jeeda Itoobiya ee ku nool caasimada 2aad ee dalka Danmark iyo nawaaxigeeda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Odayaal, aqoonyahano, haween iyo dhaliny...

Shir lagu qabtey Magaalada London oo lagu sameeyey ururka Jaaliyadda Soomaalida Ethiopia

Shir lagu qabtey Magaalada London oo lagu sameeyey ururka Jaaliyadda Soomaalida Ethiopia

LONDON - Waxaa magaalada London lagu qabtay shir ay isugu yimaaddeen ururada iyo jaaliyadaha ku abtirsada gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Shirkan ayaa daba socday Shirar isdaba joog ahaa oo bilihii ugu dambeeyay ay yeelanayeen, xubno matelayay j...

Qurbo Joogta Scandanavianka: Mahadnaq‏ Ku Socota Dawlad Degaanka Soomaalida

Qurbo Joogta Scandanavianka: Mahadnaq‏ Ku Socota Dawlad Degaanka Soomaalida

Dadku hadalka duunyaduna urta ayeey isku afgarataan wa maahmaah da’weyn oo Soomaaliyeed macnaheeduna ma aha mid daahan ama sarbeeb ah ee waxay ka dhigan tahay in aadamuhu isku fahmo odhaahda qeexan iyo ereyada sida fiican u cabira dhacdada, rabitaank...

Komishinka Booliska DDS oo Maanta Dhoolu Tus u Sameeyay Qurbo Joogta ku Sugan Jigjiga

Komishinka Booliska DDS oo Maanta Dhoolu Tus u Sameeyay Qurbo Joogta ku Sugan Jigjiga

Jigjiga (CakaaraNews) Komishinka Booliska ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta dhoolo tus u sameeyay Wafdigii qurbo joogta ahayd ee ka socotay Jigjiga TV. Dhoolutuskan oo lagu qabtay Xarunta Lomishinka Booliska ee DDS ayaa waxaa ka qayb galay dha...

Wafdigii Ka Socday Jaaliyadaha Degaanka Soomaalida ee USA oo Booqashooyinkoodii sii Wata

Wafdigii Ka Socday Jaaliyadaha Degaanka Soomaalida ee USA oo Booqashooyinkoodii sii Wata

Jigjiga (CakaaraNews) Wafdigii ka socday jaaliyadaha u dhalatay ee Degaanka Soomaalida ee ku sugan cariga USA ayaa wali ku sii jira booqashadoodii ay ku kala bixinayeen goobo ka mid ah Degaanka Soomaalida, iyagoo haatan ku sugan Caasimada Jigj...

  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  4 
  •  Next 
  •  End 
  • »
Page 1 of 4

Daawo Sawirada Degaanka Quruxdiisa

Login

  • Login
  • Create an account
    Registration
    *
    *
    *
    *
    *
    Fields marked with an asterisk (*) are required.