Xogta Guud ee Deegaanka Soomaalida
Dawladda Deegaanka Soomaalidu wuxuu ka mid
yahay sagaalka dawlad-deegaan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Itoobiya
Wuxuu ku fadhiyaa bariga iyo bari-koonfureed
ee dalka Itoobiya.
Baaxadda dhulka waxa lagu qiyaasaa 350,000
km2
Deegaanku wuxuu ku dhacayaa inta u dhaxaysa
loolka 40-110 Waqooyi iyo Dhigta 40 -48
0E Bari.
Deegaanku wuxuu xad la leeyahay: dhinaca
konfureed waxa ka xiga Kenya; dhinaca bari iyo koonfur-bari waxa ka xiga
Soomaaliya; Dhinaca waqooyi galbeed. Dalka gudihiisa; dhinaca galbeed iyo
koonfur waxa ka xiga deegaanka Oromiya; dhinaca galbeed iyo waqooyi-galbeedna
waxa ka xiga deegaanka canfarta.
Deegaanku inta uu ka sarreeyo badda waxa lagu
qiyaasaa inta u dhaxaysa 500-1600 meters.
Cimilada deegaanka soomaalida waxa lagu
qiyaasaa dhul-daaqsin isugu jira oomane, dhul kooban oo hela roob ku filan iyo
dhul ay maraan wabiyo kala duwan.
Heer-kulka deegaanku wuxuu u dhaxeyaa 20-45°C
Celceliska roobka degaanku helaa wuxuu u
dhaxeeyaa 300-500 mm.
Tirada dadka ku nool deegaanka waxa lagu
qiyaasaa 4.4 million (Tiro-koobkii la sameeyey 2007 - CSA census), 86% shacabka
deegaanka waxay ku nool yihiin dhulka miyiga ah badankooduna waa xoolo-dhaqato
Maamul ahaan degaanku wuxuu ka kooban yaha 9 maamul-gobaleed iyo 53 degmo
Waxa diyaariyey
Xafiiska Maalgalinta
Dawladda Deegaanka Soomaalida
P.O. Box 237
+251 (025) 775
2026/2038
+251 (025) 775
2026








