CakaaraNews

The Only Web Site on Somali State Soil

Wednesday
Sep 08th
Kadinka SR-HAPCO

SR-HAPCO

Wada tashi lalayeeshay fadareeshinka Dhalinyarta Dawlada deegaanka Soomaalida

Wada tashi lalayeeshay fadareeshinka Dhalinyarta Dawlada deegaanka SoomaalidaJigjiga (CakaaraNews) Waxaa Hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagu qabtay Wada tashi  ay iska kaashadeen Xafiiska Kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka  ee Dawlada deegaanka Soomaalida iyo Fadareeshinka Dhalinyarada ee Dawlada deegaanka Soomaalida.Sida uu sheegay madaxa xafiiska kahortaga iyo Xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka Soomaalida  Mudane C/Fataax Siciid wada tashigan oo socday mudo halmaalin ah waxaa kasoo qaybgalay dhalinyaro kakooban 1000 qof oo ka kala socda 25 urur iyo masuuliyiin kaladuwan oo heer deegaan ah.

Shirkan oo lagu soo bandhigay riwaayado iyo gabayo kusaabsan HIV/AIDSka waxaa hadalo kajeediyay musuuliyiinta ay ka midka yihiin Mudane C/Fataax Siciid( Madaxafiiseedka HAPCO) iyo Farxaan Xuseen ( Madaxafiiseedka xafiiska isboortiga iyo dhalinyarada).Shirkan oo uu gabi ahaanba kharashkiisa bixiyay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka Soomaalida waxay ujeedadiisu ahayd;

1.      In dhalinyarta lagu wacyi galiyo khatarta iyo dhibaatada uu HIV/AIDSku  kuhayo deegaankeena

2.      In latuso faa’iidooyinka ay leedahay isbaadhida kusalaysan rabitaanka(VCT)

3.      In labaro dhalinyarta hababka ay isugu gudbinlahaayeen aqoontooda kusaabsan HIV/AIDSka( youth peer education).

4.      In labaro dhalinyarta hababka ay aqoontooda kusaabsan HIV/AIDska ugu gudbinlahaayeen bulshadooda (Social mobilization).

 Ugu danbayntii Mudane C/Fataax Siciid wuxuu sheegay in wada tashigani uu noqon doono mid bile ah.ayna ka go’antahay Xafiiska kahortaga iyo Xakamaynta HIV/AIDSka in uu fadareeshinka dhalinyarada wada shaqayn joogto ah  lasameeyo.

CakaaraNews

 

Daraasaad kusaabsan hirgalinta,taakulaynta iyo taageerida lasiiyo dadka xanuunka HIV/AIDSka lanool oo la soo bandhigay.

Daraasaad kusaabsan hirgalinta,taakulaynta iyo taageerida lasiiyo dadka xanuunka HIV/AIDSka lanool oo la soo bandhigay.

Jigjiga (Cakaaranews.com) Waxaa shalay  Huteelka Xamda lagu  soo bandhigay daraasaad lagu sameeyay 11 urur oo ah  dadka xanuunka HIV/AIDSka lanool.  Sida uu sheegay kusimaha Xafiiska kahortaga iyo Xakamaynta HIV/AIDSka ee dawlada deegaanka Soomaalida ...

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka U Qaabilsan Arimaha Bulshada oo Soo Kormeeraya Degmooyinka

Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka U Qaabilsan Arimaha Bulshada oo Soo Kormeeraya Degmooyinka

Jijiga (Cakaaranews.com) Waxaa shalay hawlgalkoodii shaqo bilaabay gudiga joogtada ah ee baarlamaanka u qaabilsan arimaha bulshada     Hawlgalkan shaqo oo si isku mara uga bilaabmay dhamaan dagmooyinka gobalada Jigjiga iyo Shiniile ayaa ah mid ...

Xafiiska HIV/AIDSka iyo wakaalada Jibriyada oo wadajir uga hawlgalay wajaale

Xafiiska HIV/AIDSka iyo wakaalada Jibriyada oo wadajir uga hawlgalay wajaale Jijiga(caakaaranews.com) waxaa jirta in Xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSku uu daraasaad kusameeyay xuduudaha la iskagagudbo oo wajaale ay kamidtahay. Goobtan oo ah goob ay maalinwalba ka gudbaan 150 gaadhi dhinacwalba. Daraasaadkaas oo kusaa...
  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  3 
  •  4 
  •  Next 
  •  End 
  • »
Page 1 of 4

Daawo Sawirada Degaanka Quruxdiisa

Login

  • Login
  • Create an account
    Registration
    *
    *
    *
    *
    *
    Fields marked with an asterisk (*) are required.