Dhanto Heritage Conservation Fund waa urur bulsheed ay aasaaseen aqoonyahano u dhashay Degaanka Soomaalida oo hadafkoodu yahay sidii loo ilaalin lahaa loona kobcin lahaa dhaqanka iyo suugaanta dadka Soomaalida ee ku nool Degaanka. DHCF waxay ku talo-jirtaa inuu bisha July-August ee sannadka soo socda ay qabto Tartanka Dhaantada iyo Suugaanta ee Dhagax-Buur 2010 oo ah tartanka ugu horeeya ee lagu tartamayo ciyaaraha dhaqanka iyo maansooyinka suugaanta ee dadka Soomaalida. Tartankani waxaa sannad walba lagu qaban doona magaalo ka mid ah magaalooyinka Degaanka Soomaalida, waxaa sannadkan u horeeya la qorsheeyay in lagu soo bandhigo Magaalada Dhagax-Buur.
Qorshaha Tartanka Dhaantada ee Dhagax-Buur 2010 waxaa lagu wadaa inay ka soo qayb-galaan tartamayaal ku xeel-dheer fanka Dhaantada oo kala socda 36 Degmo oo ka kala tirsan Gobolada Dhagax-Buur (Degmooyinka Dhagaxbuur, Gunagado, Dhagax-Madow & Awaare), Qoraxeey (Degmooyinka Qabri-Dahar, Sheygoosh, Shilaabo & Dhoobo-Weyn), Jigjiga (Degmooyinka Jigjiga, Qabri-Bayax, Xarshin & Bambaas), Fiiq (Degmooyinka Fiiq, Sagag, Xamaro, Dhuxun, Salaxaad, Laga-Hida, Maya-Muluqa & Garbo), Godey (Degmooyinka Godey, Dhanaan, Cadaadle, Iimeey-Bari & Qalaafo), Afdheer (Degmooyinka Hargeele, Iimeey-Galbeed, Jarati, Baareey, Ceel-Kari, Gura-Dhaamoole & Goora-Baqasa), iyo Wardheer (Degmooyinka Wardheer, Galaadi, Bookh & Danood).
DHCF waxay ku rajo wayn tahay in sannadka ku xiga ay ka qayb-galayaasha ku kordhiso dhamaan degmooyinka uu Degaanku ka kooban yahay iyadoo la rabo sidoo kale in la kordhiyo qaybaha tartanka oo aan lagu koobin dhaantada qudha, balse lagu daro ciyaaraha kale ee Degaanka laga ciyaaro sida Sayliciga, Dheesha, Saarka, Wil-wilada, iyo maansooyinka kale ee suugaaneed sida gabayada, geeraarada, jiiftooyinka, heeso hawleedka, buraanburka iwm.
DHCF waxay ku wadaa inuu tartanka Dhagax-Buur 2010 uu socon doono muddo 15 maalmood ah. Dhinaca kale, iyadoo sannadka danbe lagu wado inuu ka koobnaado 6 waaxood oo waawayn oo midkiiba ay 3 qayb u sii kala baxayso. Qayb walibana ay yeelanayso saddex biladood oo kala ah dahab, qalin iyo maar. Taasoo guud-ahaan tartanka ka dhigaysa in lagu loolamo 18 biladood oo dahab ah, 18 qalin ah iyo 18 maar ah. Balse waxaan sannadkan u horeeya ee Dhagax-Buur 2010 lagu bilaabayaa in lagu tartamo siddeed xirfadood iyo mid cod-qaadis lagu bixinayo
8da Waaxood ee Tartanka Dhaantada Dhagax-Buur 2010 waxay kala noqonayaan:-
1. Best Group Dhanto Dance: Waxaa lagu kala bixin ciyaarta la soo bandhigo
2. Top Vocal Dhanto Group: Waxaa lagu kala bixin jiibin iyo tabin
3. Top Vocal Dhanto Duo: Waxaa lagu kala bixin jiibin iyo tabin
4. Best Style and Costume:
5. Best Dhanto Song of the Year
6. Top Male Dhantist: Waxaa lagu kala bixin curin, jiibin iyo tabin
7. Top Female Dhantist: Waxaa lagu kala bixin jiibin iyo tabin
8. Best Hees Hawleed
9. Best Top Artist of the Decade: Tani waa abaal-marin lagu bixinayo codaynta dadka ka qayb-galayaasha ah oo lagu xusayo dadkii hore caanka ugu ahaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka
Hadaba, DHCF waxay jeclaan lahayn in bulshada jaaliyadaha qurba-joogta ee u dhalatay Degaanka Soomaalida ay munaasabadan u noqoto bandhig ay yimaadaan oo ay ku dalxiisaan wakhtiga xagaaga ee ay fasaxa yihiin.
Dhinaca kale waxay DHCF jeclaan lahayn in xubin kasta oo ka tirsan jaaliyaadka uu ka gacan siiyo sidii ay munaasabadan u yagleeli lahayd oo ay uga hirgalin lahayn si hadhow loo balaadhiyo oo looga dhigno mid Geeska Afrika oo idil laga soo tartamo.
Hadaba, DHCF waxay Jaaliyaadka ka codsanaysaa inay ka qayb-qaataan oo ay ka hawl-galaan sidii ay degmada ay u dhasheen ay uga soo qayb-gali lahayd tartankan.
Guddiga DHCF ee Qaban-qaabada Tartanka Dhaantada Dhagax-Buur 2010 waxay jeclaan lahaayeen in bulshada Degaanka Soomaalida ay u soo bandhigaan talooyinka la xidhiidha sidii tartankan loo qaban lahaa iyo cidii ay u arkaan inay qaban karto shaqooyinka garsoorka ama darajo siinta ciyaaraha tartanka lagu soo bandhigayo.
Fadlan Hadaad jeceshahay inaad ka qayb gasho buuxi foomkan.